Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Militeriga oo markii ugu horeysay guddaha dalka loo adeegsanayo

La daabacay fredag 20 februari 2015 kl 10.30
Svensk militär och polis. Foto: TT
Militeriga iyo booliska Sweden. Foto: TT

Markii ugu horeysey muddo 83 sanno ah, ciidamada militeriga ayaa loo banaanaynayaa in ay gacan siiyaan ciidanka booliska haddii fal argagaxisnimo dalka ka dhaco.

 Ciidamada militeriga ayaa howlshooda noqon kartaa in ay difaacaan xaruumaha cibaadada , soo aruurinta xogaha sirta ah amaba in ay ka dagaalamaan wadooyinka.

Wasiirka arrimaha gudaha Ander yngman ayaa sheegay in ciiadmada militeriga la isticmaali doono haddii ay dalka la soo gudboonaato xaalado aysan booliska keligood ka soo baxi karin.

– Waxay ahaan kartaa haddii weerar argagaxiso loo geysto tusaale mid ka mid ah warshadaha nukliyeerka oo aysan booliska u hayn awoodin in ay ku difaacaan qaybaha kale ee warshada nukliyeerka.

Ka dib markii ciidamada militeriga toogasho ku dileen 5 ruux mudaharaadka ka dhacay degaanka Ådalen sannadkii 1931, waxaa laga mamnuucay in ciidamada militeriga loo adeegsado arrimaha waddanka gudahiisa. Laakiin sannadkii 2006 ayaa sharciga wax laga badalay taas suurogal ka dhigtay in booliiska dalka uu caawinaad weydiisan karo wasaaradda difaaca haddii ay waddanka la soo gudboonaato dhibaatooyin aysan ciidamada booliska xakamayn karin.

Balse Håkan Wall, oo ah madaxa qaybta amaanka booliska qaranka ayaa qaba in arrintan tahay mid adag oo xasaasiyed leh.

– Sharcigaan waxuu siinayaa ciidanka difaaca awood la mid ah tan ciidanka booliska, awoodda booliska waxaa jira fursado la socda iyo weliba waajibaad oo ah isticmaalid xoog iyo qasab.

Laakiin Wadashaqeyn dhow oo dhex marta booliska iyo militeriga ay ah weli mid dhicis ah, waxaase hadda lagu gudo jiraa sidii booliska iyo melitiriga tabobar u wado qaadan lahaayeen

Qaybo ka mid ah ciidanka milliteriga ayaa la siin doonaa tababaro soconaya labo asbuuc oo ku saban howlaha booliska.

Laakiin si ciidanka militeriga waddanka gudahiis looga howlgeliyo waxaa loo baahan yahay in dowladda ogalaansho looga heysto, inkastoo markii xaalad degdeg ah jirto ay ku filan keliya in booliska ku wargeliyo dowladda howlgalka ay wado qaadayaan booliks iyo militeriga.

Stig Henriksson oo xildhibaan vänsterpartiet xubin ka ah kan mid ah guddiga difaaca ee baarlamaanka ayaa dhaleeceysan arrintan iyo sida sharciga loo turjumay.

Henriksson ayaa ka shakisay sida militeriga uga soo baxi karo howlaha ciidamada booliska.

– xushma kastoo aan u hayo labo todobaad oo tobobar ah, haddana ma ila in ay ku fiolan tahay. Waxaan muddoo in laga fogaaday ujeedkii laga lahaa sharciga ayuu yeri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".