Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Layla: markii hore iskumaan faraxsanayn

La daabacay fredag 20 februari 2015 kl 13.00
Layla Abdulaahi: Miisaankaygu wuxuu ahaa 100Kg
(7:21 min)
Jimicsi Gym, Träning
1 av 2
Layla Abdulahi. Före och efter. PHOTO: Layla
Jimicsi Gym, Träning
2 av 2
Layla Abdulahi. PHOTO: Layla

Layla Abdulaahi waa gabadh Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Stockholm, dhamaadkii sannadkii 2013 ayay go'aansatay in bilawdo in ay jimicsato. 

Bulshada reer Sweden ayaa ah midda ugu jimicsiga badan waddamada ka tirsan ururka Midawga Yurub. Sida laga soo xiganaayo baadhitaan uu sameeyay machadka ra’yi ururinka Midawga Yurub. Boqolkiiba toddobaatan shacabka reer Sweden ayaa sheegay in ugu yaraan usbuucii hal mar ay jimicsadaan.

Geesta kale Cilmi-baadhayaal ka hawlgala maxadka Karolinska Institutet ayaa daaha ka rogay in jimicsigu u wanaagsan yahay caafimaadka qofka, uuna dawo ka yahay walbahaarka.

Dhaqdhaqaaqa iyo jimicsigu waa laba shay oo inta badan lagu daweeyo cudurka qulubka. Sidaa darteed waxa la ogaaday in jimicsiga uu qofku sameeyaa u wanaagsan yahay caafimaadka qofka, uuna  ka badbaadin karo in qofku uu la derso xanuunka walbahaarka.

samir.dualeh@sr.se 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".