Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Arbetsförmedlingen oo xariga u jartay shirkadah Lots-ka

La daabacay fredag 20 februari 2015 kl 14.43
Arbetsförmedlingen
The Swedish Employment Agency logo. Photo: Bertil Enevåg Ericson/TT

La’aanta Arbetsförmedlingen ayaa guud ahaan joojisey heshiishyadii iyo wado-shaqeynta ay la laheyd shirkadaha Lots-ka.

Arbetsförmedlingen ayaa ku sheegtay sababta, in shirkadaha lots-ka ay ka soo wajahdey dhibaatooyin ay ka mid yahiin hanjabaado, falal dad dhoofin, baad iyo weliba falaldenbiyeedyo abaabulan.

Shirkadaha lots-ka ayaa ah shirkadaha gacan qabta dadka dalka ku cusub si ay dalka ula qabsadaan iskagan meeleeyaan. Qarashaadkana waxaa waxiya la’aanta shaqada Arbetsförmedlingen.

Björn Elmqvist, waxuu qaabilsan yahay heshiishyada ay Arbetsförmedlingen kula jirtay shirkadaha Lots-ka. Isaga oo sharaxayey sababta ay Arbetsförmedlingen kaga baxday heshiishyada ay kula jirtay shirkadaha lots-ka, waxuu yeri:

- Waa soo kordhay eedaha ay ka soo jeedinayaan shirkadahan dadka shaqo raadiska ah. Eedaha waxaa ka mid ah waxyaabo la xiriir falaldenbiyeedyo iyo weliba tayo xumo. Hadana waxaa gaarnay heer ay soo kordhaan kuwo ku howlan falaldenbiyeedyada, waxaana garanay in aan joogino wado shaqeynta aan la leenahay shirkadaha Lots-ka, ayuu yeri.

Falaldenbiyeedyada ay shirkadahaan ku kacaan ayuu Björn Elmvist ku sheegay in la xiriiran denbiyo ah diiwaan gelinta dadka iyaga oo ay shirkadan iibiyaan diiwan gelinta adreesyada, sida in ruuxa degan yahay guriga qofka iska leh shirkadda lots-ka. Waxaa sidoo kale ka mid ah hanjabaado, khiyaanooyin iyo falaldenbiyeedyo ay ka mid yahiin dad dhoofin, ayuu yeri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".