Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Ragg loo heysto in ay maalgeliyeen Daacish

La daabacay fredag 20 februari 2015 kl 15.20
Domarklubba på lagbok. Foto: Jessica Gow/TT
Foto: Jessica Gow/TT

Saddex nin oo todbaadkii hore loo qabtay in ay maageliyeen kooxda Daacish ee bariga dhexe ayaa maanta maxkadda looga xaajoodey xiritankooda. Raggaan ayaa lagu tuhmayaa denbi ah wax isdabo dhaqaale oo weyn.

Kooxdan lagu tuhmayo maalinta Daacisha ayaa ka koobnaa afar qof mid aheyd haweeney. Waxaase maxkamada maanta ka xaajoogtay xiritaanka saddexda ragga ah.

Sweden marka ruuxa la soo qabto tuhno denbi 24 saac ka dib waxaa la horkeena maxkamad looga xaajoonayo in ruumka lagu sii hayo iyo in kale, inta uu socodo baaritaanku.

Denbiyada lagu tuhmayo afarta ruux ayaa kalo ah labo nooc: midi yahay denbi weyn oo canshur halka kan kale yahay denbi la xiriir diiwangelinta dadka. Waxaan baaritan ku haya afartan ruux wakaalada denbiyada dhaqaalaha (Ekobrottsmyndigheten).

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".