Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wadamada EU oo u murugoonaya dadkii lugu dilay Paris

La daabacay måndag 16 november 2015 kl 10.17
" Kor uma qaadayno heerka ditoonaanka amaanka Iswiidhan"
(2:46 min)

Waddamada EU ayaa maanta saacadu markey tahay 12 duhurnimo qabanaysa daqiiqad loo aamuuso dadkii lugu dilay falkii argagaxiso ee magaalada Paris waddanka Fraanska jimcihii ina soo dhaafay..

Halkan ayey 7 argagaxiye ku dhinteen, halka mid 8:aad oo laga shakiyay in u nimaankan la socday boolisku weli raadinayo. Islamarkaas na ayuu booliska shalay axadii magaalada Brussel ee waddanka Belgium ku qabtay 7 nin oo iyagana lugu tuhunsanyahay in ay arrinkan ka mid ahaayeen.

129 qof ayaa falkan argagaxiso lugu dilay,89 ka mid ah kuwan ayaa ku dhintay xafladii muusiqa aheyd ee lugu qabtay lookalka Bataclan, inta kale na lugu dilay makhaayado ku yaala badhtamaha caasimada Paris.Hal qof oo iswiidhish ah ayaa falkan ku dhintay, halka gabadh kale oo iyaduna iswiidhishad ah dakhtarka lugu daaweeynayo.

Falkan ayey ururka argagaxisada ah ee Daacesh amba IS loo yaqaano qirteen in ay ka dambeeyeen, sidaas ayey ka sheegeen qoraal ay bogooda ku soo bandhigeen.

Raissal wassaaaraha Iswiidhan Stefan Löfven ayaa shalay wareeysi u la jeeshay tiifiiga la iska daawado ee SVT ka sheegay in ay Iswiidhan wakhtiga u dheereen doonto 35 militari ee ciidanka kurdiga ah ee Peshmerga iminka caawisa si ay uga hor tagaan daacesh, kuwan ayaa iminka halkan ku sugnaan doona ilaa sannadka dambe 2016, sidu Stefan Löfven u sheegay.

Löfven ayaa ka xun arriki jimcahii inaa soo dhaafay paris ka dhacay, islamarkaas na sheegay in ay Iswiidhan kor u qaadi doonin heerka ditoonanka amaanka oo maanta taagan heerka sadexaad, halka heerka ugu sareeya yahay 5.

Sharci cusub oo sharci darro ka dhigaya in Daacesh lara garabdagaalamo ayaa sannadka dambe 2016 la soo dejin doona. Kan ayaa ka dhigan in dembi laga dhigi doono in lara shaqeeyo daacesh, loo dhoofo, amba caawimaad kale la siiyo, ayuu sheegay Löfven.

Dawladda ayaa iyaduna lacagta u kurdhinaysa booliska amaanka ee SÄPO ilaa 2018 , go´aankan oo ka dhashay arrinki Paris jimcihii ka dhacay. Lacag gaadhaysa 225 million oo koroon halkan la siinaya.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".