Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kontoroolada xuduudaha Iswiidhan oo waktiga loo dheereenayo

La daabacay måndag 16 november 2015 kl 17.00
Dadkii doonyaha Jarmalka ka soo raaci jiray oo yaraaday
(1:44 min)
 Anders Ygeman besöker Hyllie station för att följa polisens arbete med gränskontroller.
1 av 2
Anders Ygeman besöker Hyllie station för att följa polisens arbete med gränskontroller. Foto: Stig-Åke Jönsson/ TT
Polis gör gränskontroll på tåg. Foto: Stig-Åke Jönsson/TT
2 av 2
Polis gör gränskontroll på tåg. Foto: Stig-Åke Jönsson/TT

Dawladda waddanka hogaamisa ayaa doonaysa in ay wakhtiga u sii dheereeyso kontoroolka xuduudaha iswiidhan. Sidaas waxa jidhi wassirka arrimaha gudaha ee Anders Ygeman.

Ilaa sharcigan cusub la soo dejiyay ayeey tirodii qof ee doonta ka soo raacda jarmalka soo yaraatay. Tan ayaa isku bedeshay in ay dadkani tareenka ka soo qaatan Denmark markey Iswiidhan imanayaan.

In kasta kontoroolidi lugu soo badiyay xuduudaha Iswiidhan weli tirodii qof ee halkan sharci ka raadsata soo badatay. Maalmihi ugu dambeeyay ayey 10.533 qofi halkan sharci ka codsadeen. Tirodan ayyey 300 oo qofi ku soo kordheen marka loo barbar dhigo todobaadkii hore.

Dhanka kale heeyada socdaalka, migrationsverket, ayaa sheegtay in aaney u ballan qaadi karin dadka iminka yimaada guryo ay seexdaan. Tusaalahaan ayey magaalada malmö 200 oo magangelyadoon lugu meeleeyay teendhooyin isbuuci na soo dhaafay, waa sidey wargeeyska Svenska Dagbladet ugu soo qoreen bogeeda internetka.

In arrinkii Pariis ka dhacay jimcihii sameeyn ku yeelan doono qaabilada qaxootiga iyo in mustaqbalka kuwan baadhitaanada lugu soo badinayo ayuu Lars Förstell oo qeeybta saxaafada u qaabilsan booliska Malmö ka sheegay:

- Siday xaaladu iminka tahay saameyn nuguma la, madama aanu durtaba kantaroolno xuduudaha iswiidhan, ayuu sheegay Lars Förstell

Islamarkaas ayey heeyada socdaalka ku tallinaysa in la aqbalin basaboorada suurida ah, madama dhowaan baadhitaan ay barnaamijka Agenda ee SVT ka argatay in ay basabooradani ka yimaadan Daacesh oo soo sarta dabeetana iibisa.

SR /SvD/ TT/SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".