Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xukunkii dilkii Lisa Holm - xabsi da´in ah

La daabacay tisdag 17 november 2015 kl 11.37
Aabaha Lisa Holm: "dhuulka ila go'ay"
(2:32 min)
Skaraborgs tingsrätt. Och foto på lisa Holm. Foto: Mats Öfwerström/Sveriges Radio och Privat.
Skaraborgs tingsrätt. Och foto på lisa Holm. Foto: Mats Öfwerström/Sveriges Radio och Privat.

Maanta ayaa maxkamada Skaraborg lugu go´aamiyay in ninka dilkii Lisa Holm ka dambeeyay la siiyo xabsi da´in ah.

8 bisha jun sannadkan ayaa la waayay Lisa Holm. Holm ayaa islamarkaas dhameysturtay shaqadii ay ku haysey cafeteeriya ku taala xaafada Blomberg ee Kinnekulle. Raadistii gabadhan iyo qofkii dhacdadan ka dambeeyay ayaa dabeetana noqotay arrin ay wargeeysyada iswiidhishka ah si feejigan ula socdeen. Ninka ka dambeeyay dhacdadan ayaa ah da´da 35 jir. Lisa Holm meydkeeda waxaa laga helay armaajo dharka la sudho, waxaana lugu dilay qaab deldelaad ah. Faldembiyeedka gabadhan lugu dilay waxaa loo aaneyay in ay salka ku hayso qaab galmo. Xeer ilaaliyaha ayaa u jeeda in shaxwo lugu arkay meesha Lisa Holm meeydkeeda laga helay, islamarkaas na DNA- ga ninka 35 jirka laga helay dharkii ay Holm maalintan gashaneeyd iyo xadhigi gabadhan lagu deldelay.

-Markii aan inanteeyda waayey waxaan dareemay in u dhulku ila goay, waxey la sinantahay marka aad ka soo dhacdid daarta uga dheer, dareenkeeygu sidaas ayuu ahaa markii inanteeyda meydkeedi lii soo sheegay, ayuu jidhi aabaha Lisa Holm mar u ka hadlay maxkamada Skaraborg bishi hore.

Kiiskan maxkamadeed ayaa dood xoog badan leh dhalisay. Qareenka ninka 35 jirka ah ayaa u jeeda in ay qalabada warfaafinta waddanka iyo Leif GW Persson oo ah calin culunta dembiyada ku takhasuusay durtaba go´aansadeen amba sheegen xukunka ninkan la siin doono.Hasayeeshe Inger Rönnbeck oo ah qareenka 35 jirka ayaa sheegtay in ay maxkamadu dhag u dhigeen dadkan. Islamarkaas na ay hubto in ay maxkamadu raaci doonto qeeynuunada waddanka u yaala.

Xeer ilaaliyaha kiiskan ayaa dhowaan ninkan ku xukuntay  xabsi da´in ah.

Isha/P4 Skaraborg

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".