Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Israel oo ka carootay wasiiradda arrimaha dibadda Sweden

La daabacay tisdag 17 november 2015 kl 11.06
"Wallström waxay cadeysatay cadaawad cad oo ka dhan ah Israel"
(2:15 min)
Wasiirka arrimmaha dibadda, Margot Wallström. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Wasiirka arrimmaha dibadda, Margot Wallström oo Israel ka caraysiisay. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallström oo looga wacay safaaradda Sweden kaddib hadal ka soo yeeray wasiiradda oo Israel ka caraysiiyey.

 

Mar habeynimadii sabtida laga wareysanayey wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden Margot Wallström telefishinka SVT, wareysigas oo la xiriiray weerarkii argagaxiso ee Paris, waxay tiri sida tan.

– Markii dib loogu noqdo xaaladaha ka taagan bariga dhexe sida xaaladda ay ku suganyahiin dadka falastiinimyiinta, waxay keenyesaa in ay isyiraahdaan wax msutaqbal ah oo aan heysano ma jiro, ama waa in aan aqbalnaa xaaladdan liitada ee aan ku sugan nahay ama dagaal dooranaa.

Hadalkas wasiiradda arrimaha dibadda ka so yeeray markii ay wareysiga siineysay telefishinka ayaa ka caraysiiyey wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Israel. Qoral ay wasaaradda waddankan soo saartay oo lagu dhaleeceynayey Wallström ayaa lagu yeri Wallström ”waxay muujisay cadaawad cad oo ka dhan ah Israel, waxayna xiriir u sameysay weerarkii argagaxiso ee Paris iyo xaaladda dhinacyada badan ee u dhaxeysa Israel iyo dadka Falastiiniyiinta” ayaa lagu yeri qoralka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israel.

Margot Wallström ayaa ka gaabsatay in ay dhaleeceynta loo jeedeyey ka hadasho. Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden sida ay sheegtay hadalka wasiiradda waxuu ahaa dood dheer oo lagana qalociyey sidii loola jeeday.

"Waxaan u aragnaa hadalka wasiiradda in loo fahmay si qalad ah, Wallström hadalkeeda waxuu la xiriiray xagjirnimada, ayuu yeri afhayeenka saxaafadda wasaaradda arrimaha dibadda.   

Kulan ayey arrintan ka yeesheen maalinimadii isniinta labada wasaaro arrimo dibadeed, inkastoo aysan wax war ah ka soo baxin xalka laga gaaray waxii ay Israel tabaneysay. Bishii sannadkii hore ayey aheyd markii dalka Israel safiirkooda Sweden dib u baxday kadiib markii Sweden u aqoonsatay dalka Falastiin dowlad madax banaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".