Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Moderaterna oo doonaysa in ay la shaqeeyan dawladda

La daabacay tisdag 17 november 2015 kl 12.40
Stefan Löfvén och Anna Kindberg Batra står bredvid varandra. Foto: Henrik Montgomery/TT
Moderaterna har inte gynnats lika mycket som Socialdemokraterna av det politiska strulet som har varit. Foto: Henrik Montgomery/TT

Xisbiga moderaterna ayaa doonaysa in ay wadoshaqeyn ku saabsan si looga hor tagi laha dhoofka xaqjirka ah ,la sameeyan dawladda waddanka hogaamiisa.

Qorshahan ayaa u jeeda in sharciga amba xukunka lugu atkeeyo dadka kooxahan ku soo biira, tusaalahan in la sii baadho raadka ay ku reebaan internetka.

Hindisahan ayaa ka dhashay falalkii argagaxiso ee jimcihii ka dhacay magaalada Pariis ee waddanka Fraaska. Xisibga moderaterna ayaa doonaya in sharcigan cusub si deg deg ah loo soo bandhigo, islamarkaas na lacagata loo kordiyo booliska si ay xoog badan arrimahan u saaraan. Tusaalahan in shaksiyada fikirka xagjirka ah taageera raadka ay internetka ay ku reebaan la sii baadho.

.Arrinkani wa mid iminka taagaan, una baahan in si degdeg ah loo xalliyo. Taas ayaa keentay in aanu iminka doonayno in aanu la shaqeeyno dawladda, ayey sheegtay Anna Kinberg Batra oo ah hogaamiyaha xisbiga moderaterna.

Moderaterna ayaa sheegay in ay dawladda taageradooda siin doonan marka barlamanka qorshahan laga codeynayo.


Isha/DN

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".