Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo diyaar ula ah hiil iyo hoohba Faransiika

La daabacay tisdag 17 november 2015 kl 13.22
Wasiirka Difaaca: hiil iyo hoohba diyaar baan la nahay
(5:38 min)
Швеция к помощи готова. Фото: SR
Швеция к помощи готова. Фото: SR

Iswiidhan ayaa aqbashay in ay gacan caawimaad ah siiso waddanka Fraaska si ay uga hor tagaan koxda argagaxisada ah ee loo yaqaano IS amba daacesh.

Caawimaadan ayaan weli la hubin si ay u dhaci doonto, in ay ahaan doonto caawimaad militari ah mise mid noc kale ah. Iswiidhan ayaa iminka ka mid ah 28 waddan ee Yurub ka tirsan oo iminka aqbashay caawimaada ay waddanka Fraaska  dalbatay.

Dhamman waddamada EU ka tirsan ayaa aqbalay caawimadan, taas waxa maanta sheegtay Federica Mogherini oo hogaamisa qeeybta arrimaha dibada EU.

In ay Iswiidhan iminka caawinayso Fraaska si loo joojiyo Daacesh ayuu cadeeyay Peter Hultqvist oo ah wassiirka difaaca ee Iswiidhan. Hultqvist ayaan ka jawaabi karin hadii ay Iswiidhan ciidamo u diri doonto Suuriya iyo Iraaq.

-Wey adagtahay in aanu iminka sheegno si aanu caawinayno Fraaska, hasayeeshe wa muhim in aanu dhinac ka soo wada jeesano ka dib falalkii argagaxiso ee ka dhacay Pariis jimcihi, ayuu sheegay.



Isha/Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".