Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Guryo l´aanta oo shaqobixiyaasha ku adkeeynaysa in ay shaqaalo keensadaan

La daabacay onsdag 18 november 2015 kl 12.41
Mehmet Kaplan :Xaaladu wey adaktahay
(2:40 min)
Bilder av olika bostadsområden och bostadsbyggen. Foto: Bonny Håkansson och Drago Prvulovic/TT
Foto: Bonny Håkansson och Drago Prvulovic/TT

Kala badh oo badh 600 ee shirkadaha magaalada Stockholm ku yaala ayaa u jeeda in ay gurya l´aanta ka jirta magaalada ku atkeeyso in ay shaqaale ka keensadaan magaalooyinka kale. Sidaas waxa sheegay baadhitaan ay Stockholms Handelskammare sameeysay.

Anna Wikman ayaa hogaamiye ka ah shirkada Fyndiq:

- Mushkulada ugu weyn ee aanu haysano ayaa ah in ay nugu adaktahay in aanu magaalooyinka kale shaqaale ka helno. Tusaalahaan hadii aanu qof fiicaan magaalo kale ka helno oo shaqada ka soo baxaya,wexey noqonaysa in aan qofkan guri u raadino, taasi na wey adaktahay marka la eego guryo laanta ka jirta waddanka, halkaas ayey mushkuladu ka bilaabaysa, ayey sheegtay Anna Wikman.

Boqolkii ba 20 shirkadaha ku yaala agagaarka Stockholm ayaa sheegay in ay ku guul daryeysteen in ay helaan shaqaale u shaqeeya. Sababta ugu weyni na tahay in aaney dadkani haysan guryo ay degaan.

- Waxaanu u baahan nahay guryo yaryar oo ay dadka magaaloyinka kale nooga yimaada ay degi karaan, kiro badan na laga qaadan, ayey tidhi.

Xaaladan ayaan Stockholm keliya ah ku koobneyn, ayuu sheegay wassirka guryeenta Iswiidhan Mehmet Kaplan. Guryaha la kireeysto ee hyresrätt loo yaqaano ayaa weli yar, islamarkaas na ay degmooyinka qaar diiday in ay baneeyaan dhul guryahan lugu dhiso.

-Arrintan ayaa ku badan khaasatan degmooyinka u dhow magaalooyinka waaweyn, ayuu sheegay Kaplan.

Dawladda waddanka hogaamisa ayaa soo jeedisay hinidise cusub oo lacag gaadhaysa 5,5 billion oo koroon lagu maalgelinayo dhismaha guryaha. Lacagtan ayaa hadii la dhabeeyo lugu dhisaya guryo aan kiradoodu qaali aheeyn.

Kaplan ayaa sheegay in ay dawladu dhowr hindise oo u jeedadoodu tahay in wakhtiga guryaha lugu dhiso la gaabiyo, soo bandigtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".