Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ygeman: Meelaha dadku ku badanyihiin ayaa si gaar ah u ilaalinayna

La daabacay onsdag 18 november 2015 kl 19.02
Ygeman" Qofka wax ka shakiya booliska ha waco"
(0:37 min)
Foto: Henrik Montgomery/TT och Fredrik Sandberg/TT
Foto: Henrik Montgomery/TT och Fredrik Sandberg/TT

Wassiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman ayaa dhowaan shir saxaafadeed oo u qabtay ka sheegay in ilaalista lugu soo kordhinayo meelaha ay dadku ku badanyihiin, tusaalahan gadiidka dadweynaha, kiniisadaha, masaajidyada iyo macbadka yuhuuda.

Anders Ygeman ayaa jidhi in ay hanjabaadani shuqul ku lahin dadyowga Iswiidhan ku nool, waxa loo hanjabay ururada diimaha.

Ygeman ayaa jidhi in la ogayn in u ninkani iminka Iswiidhan joogo, warbixintan ayaa ka duwan kii u Anders Thornberg, madaxda SÄPO mar dhoweed dhiibay. Thornberg ayaa sheegay in u ninkan waddanka ku jiro.

Dawladda Iswiidhan ayaa xagaagi ina soo dhaafay dhowr qorshe oo ku saabsan amaanka soo dejisyay, kuwaan oo si deg deg ah intaa aana fasaxa kristmaska la galin barlamaanka looga codeynayo, ayuu sheegay.

Mid ka mid ah kuwan ayaa ah in dhoofka xaqjirka ah dembi laga dhigo. sido kale in gacan caawimaad ah amba koxahan la maalgeliyo.


Isha/Ekot,SVT




Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".