Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

22 jir lagu tuhunsanaa inuu u diyaargaroobayay fal argagaxiso

La daabacay torsdag 19 november 2015 kl 16.24
Xeer Ilaaliyaha" Kiis maxkamadeed ayaan furnay"
(4:16 min)

Booliska amaanka ee SÄPO ayaa ku daba joogay 22 jir lagu tuhunsan yahay inuu isku diyaariyay  in u fal argagaxiso ah Iswiidhan ka sameeyo.

Shalay ayuu booliska amaanka cadeeyay in ay heerka diktoonaanta kor u qaadi doonan, kana dhigeen heerka afraad, halka u ahaan jiray saddex, ka ugu sareeya na yahay 5. Go´aankan ayaa ka yimid madaxda booliska ammanka Anders Thornberg.

Thornberg ayaa u jeeda in booliska ammanka maalmihi ugu dambeeyay heleen cadeyn xaqiijinaysa in u Mutar Muthanna Majid isku diyaariyay falkan.

Tan ayaa ka dhigan in u booliska waddanka ilaalinta kor u qaadeen, khaasatan ururada diimaha, tusaalahaan kiniisadaha, masaajidyada, macbadka yuhuuda, gadiidka dadweynaha, iyo meelaha ay dadku ku badanyihiin ,taas waxa xalay shir saxaafadeed ku cadeeyay wassiirka arrimaha gudaha Anders Ygeman.

Islamarkaas ayuu xeer ilaaliyaha kiiskan maxkamadeed furay baadhitaan arrintan ku saabsan.

Booliska amaanka ayaa sheegay in ay warbixin dheerad ah oo arrinkan ku saabsan bixin karin. Sido kale xeer ilaaliyaha kiiskan maxkamadeed qaabilsan Agnetha Hilding Qvarnström.

Hasayeeshe hadii ay dadyowga Iswiidhan ku nool ay arkaan wax ay ka shakiyaan, tusaalahan boorso meel iska taala, booliska waca, ayuu jidhi Thornberg.

In kasta oo u boolisku heerka diktoonanta Iswiidhan kor u qaaday, maaha in la baqo, ayuu sheegay Hans Brun oo ku takhasuusay arrimaha xaqjirnimada la xidhiidha.

-Warbixintan wa in si dhab ah oo muuhim ah loo qaato. Booliska waxaa soo gaadhay warbixin ay iyagu hubaan khatar ku noqon karta waddanka, hadii kale kor looma qaadeen heerkan. Ninkan marka la helo booliska ayaa qabanaya, dabeetana kiis maxkamadeed ayaa u bilaabmaya.

Ninkan ayaa laga shakiyay in u falkan argagaxiso isku diyaariyay, isagoona loo maaleeynaya in u waddanka Iraaq ka yimid, hasayeeshe uu xidhiidh Iswiidhan ku leeyahay, sidaas waxa soo qoray telefishinka la iska daawado ee SVT.

Dhanka kale wargeeyska Aftonbladet ayaa bogeeda ku soo qortay in ninka la raadinayo yahay nin Suuriya joogi jiray, halkaas oo uu la garabdagaalamayey Daacesh.

Warbixin ay wargeeyska Expressen soo qortay ayaa sheegaysa in u ninkani dhowaan ka soo dhoofay Iraaq dabeetana Jarmalka soo maray, imminkana Iswiidhan soo gaadhay.

Sawir metelaya ninkan ayaa loo diray dhamman boolisyada waddanka, islamarkaas na ay dhowr wargeys xalay daabaceen sawirkiisa.

Heeyada difaaca Försvarsmakten ayaa iyaduna xalay kor u qaaday heerka diktoonaanta waddanka oo sida booliska amaanka ka dhigtay heerka afraad.

Booliska amaanka ayaa hore u sheegeey in ay ugu yaraan 300 muwaadiniin Iswiidhish ah u dhoofeen Suuriya iyo Iraaq si ay ula garab dagaalamaan kooxda argagaxisada ah ee Daacesh amba IS loo yaqaano, halkey ugu yaraan 100 ka mid ah kuwan ka soo laabteen dagaaladan.

22 jirka ayaa la siidayay, iyadoona wax cadeeyn ah lagu waayay inuu falkan qorshaayey markii u boolisku wareesiga la galay sabtidii ina soo dhaaftay.


Isha/Ekot,Aftonbladet,Expressen,TT

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".