Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xafiiska shaqada oo ku khasaartay nidaamka isdhexgalka ee suuqa shaqada

La daabacay torsdag 19 november 2015 kl 09.00
Per Arne Andersson "Xafiiska shaqada wey ku guuldarreysteen arrinkan"
(2:49 min)
Arbetsförmedlingens prognos på arbetsmarknaden visar att det ser ljust ut för offentliga jobb framöver medan det ser betydligt mörkare ut för de som önskar mer okvalificerade arbeten. Foto: TT.
Arbetsförmedlingens prognos på arbetsmarknaden visar att det ser ljust ut för offentliga jobb framöver medan det ser betydligt mörkare ut för de som önskar mer okvalificerade arbeten. Foto: TT.

In kasta oo lacag gaadhaysa dhowr billion lagu maalgeliyay nidaamka xafiiska shaqada ee etebleringsprogrammet ,weli mu helin ilkahi lugu talo galay.

Kan ayaa u gaar ah dadka sharciga deganaashaha helay,lana doonayo in ay suuqa shaqada si degdeg ah u soo galaan.

Boqolkii ba 5 dadka nidaamkan ka qeyb galay ayaa markey dhameystireen shaqo helay, sidaas waxa sheegay tirokoob cusub ay xafiiska shaqada ee arbetsförmedlingen shaacisay.

Per Arne Andersson, hogaamiyaha qeeybta waxbarashada ee SKL ayaa sheegay in natijada laga arkay tirokoobkani aheyn mid fiican, waa in xall kale nidaamkan loo helo, ayuu sheegay.

-Natiijo fiican maaha, waana mushkulad ka jirta waddanka dhan.

Nidaamka etableringsprogrammet ayaa isla markii ba lugu meeleeya dadka sharciga deganaashaha hela. Kan ayey u jeedadiisu tahay in u dadkan shaqo amba waxbarasho ka caawinayo labada sanno ee ugu horeeya .Halkan ayaa af Iswiidhishka dadkan lugu baraa, islamarkaas na loo diraa shaqo tijaabo ah. 90 casho ka dib ayey boqolkii ba 30 dadka nidaamkan lugu meeleeyay helaan shaqo amba waxbarsho.

Hasayeeshe dadka shaqada hela markey nidaamkan ka soo baxaan ayaa ah boqolkii ba 5.

Lacag gaadhaysa 5 billion oo koroon ayaa sannadkii hore lugu maalgeliyay nidaamkan, halka sannadka aanu ku jirno la sugayo in ay lacagtaasi noqoto 7 billion oo koroon.

Tirokoob ay heeyada socdaalka soo saartay ayaa sheegay in ay tirada qof ee nidaamkan lugu meeleen doono labalaabmi doonto afarta sanno ee soo socda, 120 000 oo qof, halkey maanta tahay 50 000, sababta oo ah qaxootiga faraha badan ee sannadkan waddanka soo gaadhay.

Mattias Wahlsten ayaa hogaamiya qeeybta isdhexgalka ee xafiiska shaqada:

-Khasab waxaanu doonayna in ay tiroda shaqeeysa amba waxbarasho bilaabta markey dhameeyan nidaamkan soo korodho, hasayeeshe in ay tirodani maanta taagantahay boqolkii ba 30 oo shaqo amba waxbarasho helaa waan ku qanacsanahay, in kasta oo aanu doonayno in ay korodho, ayuu sheegay.


Isha/Ekot

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".