Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kulan ka qabsoomay jaamicadda Dalarna

La daabacay fredag 20 november 2015 kl 12.49
Howlaha ey jaamicadda Dalarna ka waddo Soomaaliya
(14 min)
Mursal Ciise MP, Kerstin Erlandsson oo ka howl-gasha jaamicadda Dalarna iyo Maxamed Khalid Cali oo ka howl-gala jaamicadda East Afrika ee Puntland. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Mursal Ciise MP, Kerstin Erlandsson oo ka howl-gasha jaamicadda Dalarna iyo Maxamed Khalid Cali oo ka howl-gala jaamicadda East Afrika ee Puntland. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

Jaamicadaha East Afrika, Camuud iyo jaamicadda Hargeeysa oo aannu ka wadno tacliin heerka master-ka ah ee lagu dhigto aaladda internet-ka ayaan ka ahay hor-jooge. Magacayga waa Kerstin Erlandsson oo tacliinteeda sare ku soo qaadatay jaamicadda Karolinska ee magaalada Stockholm.

 

Sannadkii 2010 ayay ahayd kolkii ay jaamicadda Dalarna oo ku taalla magaalada Falun ey howl ka biloowday Somaliland illaa iyo haddanna ey ka qalin jebiyen 24 ruux. Halka ey iminkana 25 tacliin ka wadaan jaamicadda East Afrika oo ka howl-gasha Puntland iyo 35 ka dhigta jaamicadaha Camuud iyo Hargeeysa ee Soomaaliland, sida ay sheegtay Kerstin Erlandsson. Haddaba kulan jaamicadda ka qabsoomay shalayto oo aannu wareeysi ugu tagney ayuu goob joog ka ahaa Maxamed Khaalid Cali oo ka socday jaamicadda East Afrika ee Puntland. Iyadoona uu wareeysigii sidan u dhacay.

Isha/ Radio Sweden

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".