Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

22 jirkii laga shakisanaa oo shalay la sii daayey

La daabacay måndag 23 november 2015 kl 11.10
Ygeman: Hoos uma dhigayno heerka diktoonaanta Iswiidhan
(1:22 min)
Sweden's security service Säpo. Photo: Henrik Montgomery / TT.
Sweden's security service Säpo. Photo: Henrik Montgomery / TT.

Mutar Muthanna Majid oo lugu tuhunsanaa in u Iswiidhan ku diyaariyay fal arggaxiso ayaa shalay axadii la siidayay, ninkan ayaan wax cadeeynaya in u falkan qorshaayey laga helin markii u boolisku wareesiga la galay sabtidii ina soo dhaaftay.

22 jirkan ayaa madama magaciisa iyo sawir isaga metelaya dhamman wargeysyadda iyo idaacadaha Iswidhan laga daabacay imminka caawimaad ka helaya booliska amniga ah ee SÄPO iyo heeyadaha waddanka si u noloshiisii si nabad leh ugu noqdo. Sidaas waxa sheegay Fredrik Milder oo qeeybta saxaafada u qaabilsan booliska amaanka.

Sababta oo ah ayuu sheegay Milder in u tuhunkani noloshiisa saameyn ku yeelan doono. Waa in aanu masuuliyadeena qaadano ,marka aan u xaalad adag oo khaldan sida tan oo kale qof aanu gelino.

Wuxuu raaciyay Milder in u ninkani caan ku noqday iswiidhan madama magaciisa iyo sawirkiisa meel walba laga daabacay, waana arrin aanu doonaynay in aanu ka taxadarno, hasayeeshe dhacday, ayuu sheegay.

In kasta oo u khaladkani dhacay heerka diktoonanta Iswiidhan hoos looma dhigayo , ayuu sheegay wassrika arrimaha gudaha Anders Ygeman.

-Ninkan aan khaladka aanu ku qabanaynay wuxuu ka mid ahaa baadhitaan weyn oo u boolisku iminka sameeynayo, marka sidaas ayaan heerka diktoonaanta Iswiidhan loo dejinayn, ayuu jidhi mar laga wareeystay telefishinka la iska daawado ee SVT.

Booliska amniga ah ayaa si xoog leh loo dhaleecayey si ay arrinkan u xalliyeen. Mid ka mid ah kuwan ayaa ah Anne Ramberg oo ah agaasimaha guud ee ururka qareemada.

-Markii arrinkan oo kale la baadhayo wa in liska ilaaliyo in go´aano deg deg ah la qaato, ayey sheegtay mar ay wareeysi la qaadatay wargeeyska Dagens Nyheter.


Isha/Ekot,SVT,DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".