Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Masaajidda Muslimiinta shiicada ee Sweden oo laga ilaalinayo Daacish

La daabacay tisdag 24 november 2015 kl 10.38
"Argagaxisado xaduud ma leh"
(2:22 min)
Juma äldsta moskén i Ryssland är centrum för shiiter. Foto: Maria Persson Löfgren/Sveriges Radio.
Foto: Maria Persson Löfgren/Sveriges Radio.

Kaddib weerarkii argagaxiso ee Paris, ciidamada boliiska Sweden ayaa si gooni ah u ilaalinaya masaajidka ugu weyn Sweden ee shiicadda ku leedahay degmada Järfälla magaalada Stockholm.


Sweden markii ay xoojisay heerka khatareed ee weerar argagaxiso oo waddanka ka dhan ah, ayaa waxaa kordhay cabsida ay muslimiinta shiicadaha ah ee Sweden ka qabaan weerar taageerayaasha Daacish ugu yimaada.

– Sweden amaan uma ahan sidii ay awel u ahaan jirtay. Hadda waxaa laga taxadaraa in la aado goobaha dadka ku badan yahiin, sida masaajidkan maalinta jimcaha. Qoyskeyga ma doonayaan in aan salaadda jimcaha halkan ku tukado waayoo masaajidkan waxaa loo geysan karaa weerar, maanta qoyskeyga xataa ma doonayaan in aan halkan joogo, ayuu yeri ninkan magaciisa ku soo goobay Ahmed sababo amaan daraadeed. Cabsi weyn ayuu ka qabaa in taageerayaasha Daacish asaga ama qof ka mid ah ama qaraabadiisa dhibaateeyaan.

Kaafiriin dhiigooda banaanyahay

Mohammad Fazlhashemi oo ah barafesor arrimaha islamka ka dhiga jamacadda Uppsala Universitet , waxuu yeri kooxda sunniyiinta ah ee argaagxisada ah ee Daacish waxay u arkaan shiicada kaafiriin dhiigooda banaan yahay.

– Muslimiinta shiicada ah waxaa loo arkaa nabad laaweyaal. Kooxda Daacish na waxay banaysteen laynta iyo baro kacinta shiicada, iyo xataa in ay banaantahay burburinta goobahooda cibadada, ayuu yeri.

  Masaajidka ay shiicada ku leedahay degmada Järfälla magaalada Stockholm waxaa lagu xiray kaamerooyinka wax ilaaliya, iyadoo maamulka masaajidka ay xiriir joogta ah la leeyahiin ciimada amaanka ee Säpo iy weliba boliiska kaleba. Laakiin saas oo ay tahay cabsida laga qabo in kooxda xagjiriinta ah ee Daacisha ay weerarto goobaha cibaada ee muslimiinta shiicada ah ee Sweden ayaa weli aad u adag.  

– Argagaxisada xaduud ma lahan. Markey u hanjabaan muslimiinta shiicada ah markas hanjabaadooda waxay ku wajahan tahay shiicada meel kastoo ay caalamka kaga nooshahay. Imminkana aragaxisada Yurub ayey soo gaartay, saas daraadeed waa in dhab loo qaato khatar ka dhanka ah shiicada Sweden, ayuu yeri Akil Zahiri oo ka tirsan maamulka masajidka shiicada ee Järfälla.


Isha: SVT Stockholm

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".