Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven" Laga bilaabo sannadka dambe waxaan bixinayna sharci meel ku gaadh ah"

La daabacay tisdag 24 november 2015 kl 16.46
Löfven" Qaxootiga faraha badan ma qaabili karno"
(1:17 min)
Statsminister Stefan Löfven kommenterar den höjda terrornivån. Foto: Claudio Bresciani/TT
Statsminister Stefan Löfven kommenterar den höjda terrornivån. Foto: Claudio Bresciani/TT

Dawladda ayaa dhawaan shir saxaafadeed ku sheegtay in ay shuruudaha ku sii adkeeynayso qaxootiga waddanka yimaada, tusaalahan in kaadhka aqoonsiga ah dadkan laga dalbado marka ay soo raacayaan basaska amba tareemada Iswiidhan ku soo socda.

Sido kale in lacagta loo yareeyo dadkan markey Iswiidhan yimaadan, islamarkaas la gaabiyo wakhtiga ay dadkni qoysaskooda ku codsan karaan. Stefan Löfven oo shirkan saxaafadeed la qabtay Åsa Romson, raii´sal wassare ku xigeenka, ayaa halkan ka sheegay in caruurta waddanka sharciga ka codsata da´dooda si gaar ah loo baadhayo mustaqbalka.

Dawladda ayaa iyaduna go´aamisay in sharci meel ku gaadh ah la dhabeeynayo sannadka dambe. Qeynuunadan ayaa laga bilaabo 1 bisha april sannadka dambe shaqeeynaya. Sharciyada maanta la soo dejiyay ayaa meel ku gaadh ah. 2 ilaa 3 sanno ayuu sheegay Löfven.

Bil ayaa ka soo wareegtay intii ay dawladdu soo dejisay dhowr sharci, tusaalahan in xuduudaha la ilaaliyo, islamarkas na dadkan laga dalbado kadh aqoonsi ah markuu qofku Iswiidhan soo galayo amba doonta ka soo raacayo Jarmalka.

Hasayeeshe kuwan ayaan shaqeeyn. Weli dhowr kun oo qaxooti ah ayaa Iswiidhan tododobaad kasta sharci ka codsada, tiro ay dawladdu doonayso in ay dhinto. Xaalada Iswiidhan ka jirta ayaa keentay in ay dawladdu maanta sharciyadan cusub soo dejisay.

-Ujeedada ayaa ah in shuruudaha dadkan lugu adkeeyo, qaxootiga na la dhimo, sidaas waxa sheegay qof aan doonayn in magaciisa la sheego, hasayeeshe dawladda ka hawlgala.



Isha/Ekot,SVT,DN



Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".