Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Abaalmarinta August oo sannadkan lagu saleeyey arrimaha qaxootiga

La daabacay tisdag 24 november 2015 kl 15.23
Юнас Хассен Кемири. Фото: Юрий Гурман/"Радио Швеция"
Qoraa Jonas Hassen Khemiri. Фото: Юрий Гурман/"Радио Швеция"

Jessica Schiefauer iyo Jonas Hassen Khemeri ayaa ka mid ah dadka Sannadkan ku guuleystay abaalmarinta Augustpriset. 

 Billadda Augustpriset ee loogu magacdaray suuganyahankii weynaa ee reer Sweden August Stringberg  oo todobaadkan u buuxsantay 27 sanno, ayaa sannadkan la gudoosiinyey qoraayahano siyaabo kalo duwan wax uga qoray arrinta maanta sida weyn caalamka uga tagaan ee ah qaxootiga.

Jessica Schiefauer ayaa ku guuleysatay kaalinta buugga sannadka ee caruurta:

- Maanta bulshada waxay noqotay mid kaloqeybinta iyo kalo sooco ku badan yahay. Inkastoo aan buuggeyga dib ugu noqday xilligii shagaamashaadkii iyo waxyaabahii aan ka xasuusto haddana waa mid ka hadlaya nolal maalmeedka da’yart maanta. Waa wax laga argagaxo in si sahlan lagu hilmaamo waxii la soo maray 20kii sanno ee ugu denbeeyey, ayey tiri.

Sannadkan xafladii lagu qaybinayey abaalmarinta billadda August waxay aheyd mid siyaabo kale duwan lagu calaamadeynayey xaaladaha taagan maanta. Afarta ruux ee ku guuleystay abaalmarinta suugaanta ugu qiimaha badan ee Augustpriset waxay suugaantooda ku cabireen oo cod ku siiyeen mowduuca la xiriira  socdaalka, kelinimada, banaan ka ahaansha bulshada iyo weliba dhibaatada uu la kulmo qof ka soo qaxa waddankiisa hooyo.

Abaalmarinta billada qaybteeda buugga sannad ee dhalinyarada waxaa ku guuleysatay qoraa Jessica Schiefauer oo qortay buug ay ugu magac dartay ”eeyaha markey yimaadaan” (När hundarna kommer). Waana buug ka hadlaya xilligii shagaashamadii oo magaalo yar ku soo korartay cadaawad iyo naceyb, iyo weliba jeceyl iyo cagaltooyo dhexmaray labo dhallinyaro ah oo magalada ku nooleyd. Buugga waa mid ku salaysan nolashii korniimo ee qooraaga oo xasuusineysa bulshada maanta ku noolnahay sida ay tahay.

Qoraa Jonas Hassen Khemiri ayaa asna ku guuleystay abaalmarintan, iasgoo ku hley buuggiisa la yiraahdo allt jag inte minns

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".