Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Åsa Romsson oo ka ilmeyneysa go’aanka lagu joojiyey qaxootiga

La daabacay onsdag 25 november 2015 kl 09.56

Shalay ayey aheyd markii xumadda shaacisay in la hirgelinayo sharuuc lagu yareynayo qaxootiga waddanka soo gaaraya. 

Go’aankii shalay ay xukumadda Sweden ku dhawaaqday ee ahaa in Sweden yarayneyso qaxootiga ay qaabilayso waxaa cad in uu ahaa mid aan sahlanayneyn in ay caqbasho ra’iisalwasaare ku xigeenka Sweden Åsa Romson iyo xisbigeeda Miljöpartiet.

Shalay markii iyada iyo ra’iisalwasaaraha wadojir u qabteen shir saxaafadeed go’aankaan lagu shaacinayey ayey ilmo ku soo istaagtay indhaha Åsa Romsson iyadoo codku gariirayana waxay sheegtay in go’aankan yahay mid xanuun badan balse lagama maarmaan ah.     

– Si daacad ah haddaan u hadlo, waqtiyadii ugu denbeeyey doodo badan ayaan ka galay xaqiiqada sida ay u ektahay. Todoobadyadii ugu denbeeyeyna waxaa ku qancay in go’aankan yahay kan ugu haboon ee aan ku caawin karno wakiiladeena degmooyinka ee xisbiga Miljöpartiet.

Kaddib markii shir saxaafadeedkii soo dhamaaday ayey Romson ku tilmaamtay go’aanka xukumada ”go’aan aad u daran”.

– Go’aankani waxuu ahaa go’aan aad u daran ayey tiri mar ay u warameysay wakaaladda wararka ee TT.

Waxayna tiri  go’aankan waxuu hubal la’aan ku ridayaa qoysas badan oo hadda ka bacdii filan karin dib in ay ugu midoobaan Sweden ama ay helaan sharci deganaansho oo rasmi ah.

Mar la weydiiyey Romson sababta xisbigeeda Miljöpartiet oo isku sheega in uu yahay xisbi u roon qaxootiga, aysan dowladda uga baxin haddii go’aanka yahay mid sidaas u daran, waxay ku jawaabtay:

– Markas waxay noqon laheyd in qaadano go’aan kan kasii daran.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".