Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Fridolin oo ka deyriyey sharciga KMG laga dhigo

La daabacay onsdag 25 november 2015 kl 11.36
"Waa go'aan adag oo ku qasbaneyn"
(3:10 min)
Miljöpartiets språkrör Gustav Fridolin intervjuas av Ekots reporter. Foto: Jessica Gow/TT.
Wasiirka waxbrashada ahna afhayeenka xisbiga Miljöpartiet Gustav Frdilon. Foto: Jessica Gow/TT´.

Sharcig kumeelgaar ah dhalaanka kelinimada waddanka ku imaada in la siiyo ma ahan hindise wanaagsan.

Sidaas waxaa yeri afhayeenka xisbiga Miljöpartiet Gustav Fridolin, mar laga wareysanayey laanta  hindisaha cusub ee dowladda ee ku sabsan socdaalka.

– Waa hindise aad u liita. Sharciga KMG ah waxuu sii xumeynayaa fursadaha is-dhexgalka iyo fursadda uu qofka ku dareemi karo amni iyo in uu dalka qayb ka yahay, ayuu yeri Gustav Fridolin oo ah afhayeenka Miljöpartiet ahna wasiirka waxbarashada.

Waxuuna intaas araaciyey in xisbigiisa ay muhiim u aheyd in sharuucda cusub ee dowladda aysan taaban dhalaanka horey waddanka u soo gaaray ee magangeliyada dalbaday.  Waxuuna yeri sharuucdii hore ayaa ayaa dhalaanka khuseyneysa, oo waxay helayaan deganaansho rasmi ah.

– Go’aanka dowladda gaartay waxaa qasab ka dhigay xaaladd ah in Yurub inteeda kale iska diiday in qaataan masuuliyadda ka saaran qaxootiga. Haddii waddamada kale ee Sweden masuuliyaddooda qaadan la haayeen xaalka sidaan maanta ma ahaadeen, ayuu yeri.

In go’aanka dolwadda ku yareyneyso qaxootiga Sweden yahay mid xanuun ku haya xisbiga Miljöpartiiet way cadahay. Waa go’aankii ugu adkaa ee xisbiga wax ka gaaray, ayuu yeri Gustav Fridolin.

– Labo wax yaa muhim ah in aan cadeyn. Mid waa in Sweden weli u taagan tahay difaacidda xaquuqda magangeliyo iyo xeerar caalamiga ah ee la xiriira. Xaquuqdas oo hadda ku sugan khatar u baahan in laga difaaco. Sweden na weligeed xaquuqdas ma taabaneyso. Midda kale ee ay tahay in aan qiro waxay tahay arrinkan ma ahan siyaasad xisbiga Miljöpartiet uu qaadan lahaa haddii aan keli ku ahaan laheyn xukunka , laakiinse waxaa keenay xalad aan ku qasbanahay in aan aqbalno madaama aan awoodda dowladda xisbi kale la waddagno taas oo qasab ka dhigeysa tanaasulaad iyo qadashada go’aanada adag, ayuu yeri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".