Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Samiir "Waan welwelsanahay walidkeeyku soomaaliya ayuu jooga"

La daabacay onsdag 25 november 2015 kl 12.53
"Keli ayaan dareemaya"
(5:08 min)
Migrationsverkets kontor. Foto: Peter Bressler/Sveriges Radio
Foto: Peter Bressler/Sveriges Radio

Hoggaanka dawladda Sweden ayaa cadeeyay in aaney qaabili karin qaxootiga faraha badan ee waddanka ku soo socda, taa ayaa keentay in ay shalay shir saxafadeed ku shaaciyeen hindisooyin dhowr ah oo shuruudaha loogu adkeeynayo soo-galootiga.

Shuruudahaa ayay ka mid yihiin ah in  kaadhka aqoonsiga ah dadkan laga dalbado marka ay soo raacayaan basaska amba tareemada Iswiidhan ku soo socda.

Sido kale in lacagta dadkan laga dhimo markey Iswiidhan yimaadan, iyo in shuuruudaha lugu atkeeyo dadka doonaya in ay qoysaskooda keensadaan. Stefan Löfven oo shirkan saxaafadeed shalay la qabtay Åsa Romson, raii´sal wassare ku xigeenka, ayaa halkan ka sheegay in caruurta kelinimo waddanka ku yimaada da´dooda si gaar ah loo baadhayo mustaqbalka.

Hasayeeshe qorshaha ugu weyn ayaa ah in ay Iswiidhan ku tallinayso in laga bilaabo sannadka dambe la dhabeeyo sharci meel ku gadh ah dhamman qaxootiga halkan timaada, Löfven ayaa sheegay in u sharci joogto ah keli u bixin karo dadka ay qaramada midoobey ka soo qaatan xeerada qaxootiga. Qeynuunadan ayaa laga bilaabo 1 bisha april sannadka dambe shaqeeyn doona hadii ay taageero ka helaan barlamaanka. Hindisahan sharci ayaa meel ku gaadh ah. 2 ilaa 3 sanno ayuu sheegay ra´iisal wassaruhu.

Samiir Mohammed ayaa kelinimo Iswiidhan ku yimid bishi maay sannadkan. Wuxuu tahriibkiisa ku soo maray Itoobiya iyo Suudan, dabeetana ayuu doonta ka soo raacay Libya. Samir ayaa sheegay in ay isaga u aheyd nasiib in u safarkan ka soo badbaaday. Hinidisahan sharci ayaa hadii la dhabeeyo ku atkeeynaya Samiir in u waalidkiisa halkan keensado. Waxaan dareemaya in ay keli ahay, cid qoyskaaygi halkan ka joogta ma jirto ayuu sheegay.

Dhanka kale Löfven ayaa dhaleecayn xoog leh u gudbiyay waddamada EU oo aan masuuliyadooda qaadan:

-Ma soconayso in ay Iswiidhan, Jarmalka iyo Austrik masuuliyada Yurub oo dhan qaado. Iswiidhan caawimaadi ay siin kari laheyd dadkan wey siisay, in kale na ma awoodi karno, ayuu jidhi.

Åsa Romson, raii´sal wassare ku xigeenka, ayaa iyaduna aad uga xumaatay hindisahan sharci.

-Waa shuruudo aad u ba´an, si xun na dadkan u sameeynaya, waan ka xumahay, ayey tidhi iyada oo ilmo ku leh indhaha.

Samiir ayaa fahansan sababta ay dawladdu doonayso in ay u dhinto qaxootiga, islamarkaas na ka welwelsan in waalidkiisa loo keenin

Bil ayaa ka soo wareegtay intii ay dawladdu soo dejisay dhowr sharci, tusaalahan in xuduudaha la ilaaliyo, islamarkas na dadkan laga dalbado kadh aqoonsi ah markii ay Iswiidhan soo galayaan amba doonta ka soo raacayo Jarmalka iyo Denmark.

Hasayeeshe kuwan ayaan ilkihi la doonayey helin. Weli dhowr kun oo qaxooti ah ayaa Iswiidhan tododobaad kasta sharci ka codsada, tiro ay dawladdu doonayso in ay dhinto. Xaalada Iswiidhan ka jirta ayaa keentay in ay dawladdu hindisahan sharci soo dejisay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".