Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xarun tacliin oo looga hortagayo xagjirnimada

La daabacay torsdag 26 november 2015 kl 10.29
Mona Sahlin
Mona Sahlin dowladda ayey u qaabilsan tahay ka hortaga xagjirnimada. Foto: TT.

Mona Sahlin oo dowladda u qaabilsan ka hortaga xagjirnimada ayaa hadda soo bandhigtay qorsho lagu joojinayo dhalinyarada  ay kooxda argagaxisada ah ee Dacish iyo kuwa la midka ah ka qorato Sweden.

Waxaa laga hirgelinayaa xarun tacliin magaalooyinka kalo ah Stockholm, Göteborg, Örebro iyo Göteborg. Hadefkana waa sidii si dhaqso ah khabiirada deegaanadan ka soo jeeda u soo farogelin lahaayeen marka la arko caalamado xagjireyn. 

Bisha Januari ayaa magaalooyinka Göteborg, Örebro iyo Borlänga laga hirgelinayaa wax loogu wacay quriga tacliinta oo lagu aruurinayo awood xirfadeedka iyo waayo aragnimada looga rabshado wadayaasha xagjirka ah.

Halkan ayaa xataa caawin ka heli karaan waalidiinta iyo ehelada uga welwelsan da’yartooda xagjirnamo, sidoo kale ruuxa doonaya in uu iskaga baxo bay’adaha rabsho wadayaasha ayaa talooyin iyo taageero weydisan kara xaruntaan.

– Waxaan ku bilaabeynaa afar degmo oo dhibaatadan ku soo badanayso kuwaas oo hadda qirtay gabaabsi in uu ka jiro wax ka qabadkooda xagjiriinta, ayey tiri Mona Sahlin oo weramaysay SVT Nyheter.

 Hirgelinta Aqalka tacliinta Kunskapshusen waxaa looga deyday degmada Århus  ee dalka Danmark. Degmadan ayaa dhibaatada xagjirnimada ka hortageeda billowdey sannadkii 2007 kaddib weerarkii argagaxiso ee London sannadkii 2005.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".