Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

PSG oo xalay ku tumatay Malmö FF

La daabacay torsdag 26 november 2015 kl 12.19
Zlatan: ciyaar wanaagsan ayey aheyd
(0:22 min)
Zlatan Ibrahimovic och Franz Brorsson under gruppspelsmatchen i Champions League. Foto: AFP/TT
Zlatan Ibrahimovic och Franz Brorsson under gruppspelsmatchen i Champions League. Foto: AFP/TT

Kooxda Fransiiska Paris Saint Germain ayaa xalay 5-0 ku garaacday kooxa Malmö FF.

Ciyaarta laba kooxood dhexmartay ayaa la xiriirtay tartanka kubadda cagta ee Champions Leagu.  Goolasha  waxaa mid ah u dhaliyey PSG ciyaaryahan weyn ee qaranka Sweden Zlatan Ibrahimovic.

Zlatan oo saxaafadda l hadlayey kaddib ciyaarto markay soo idlaatay ayaa sheegay in uu ugu qanacsanaan ciyaarta PSG iyo kooxdii uu ku soo caanbaxay ee Malmö FF.

- Dareen cajaab ah ayaa dareemayaa, waa adagtay runtii in aan ereyo ku cabiro waxaan dareemayo, laakiin waa dareen farxad iyo jeceyl iskugu jira, ayuu yeri Zlatan.

- Ciyaarta waxay aheyd mid wanaagsan, gaar ahaan dhankeena u wanaagsan. Waan guuleysanay, goolal badan na waa dhalinay, inkastoo garoonka ahaa mid ay adagtahay ku ciyaarkiisu, ayuu sii raaciyey Zlatan Ibrahimovic.

Koocda Malmö ayaa sidaas uga hartay tartanka Champions League balse waxay heysataa fursad ay ugu gudbi karta tartanka kale Europa League waa haddi ay dhibco ka qaataan kooxda Sjachtar Donetsk oo iyada hadda ku jirta kaalinta saddexaad ee gruppka Malmö iyo PSG ee grupp A.

 /SR Radiosporten

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".