Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamad u bilaabatay rag loo heysto fal argagaxiso

La daabacay torsdag 26 november 2015 kl 13.46
Qareen Hans Gaestadius
(0:30 min)
genrebild
foto: P4 Skaraborg

Maanta magaalada Göteborg maxkamad ku talala waxaa bilowday maxkamadeynta labo nin oo da’dooda lagu sheegay 30 iyo 32 sanno jiro loo heysto eedeymo ah fal argagaxiso ama xasuuq daweyna iyo dil.

Maanta intii maxkamadeynta socotay waxaa halkii maxkamadda ka socotay laga shiday film gaaban oo muujnaya raggan oo ka qayb galaya dil ama qaarajin ay ka geysteen gudaha waddaka Suuriya . Filmka ayaa ah cadeymaha uu xeer-ilaalayaa ku hayo raggan iyadoo uu xeer-ilaalaiyaha ku doodayo in raggan geysteen fal argagaxiso.

Sida uu yeri xeer-illaaliyaha maxkamadda raggan waxay ka tirsanaayeen koox muhaajiriin ah oo lagu magacaabo JMA, kooxdan oo ku shaabadeysan aragagxiso in ay yahiin. JMA ayaa fulisay ama geystay falal iskugu jira qaraxyo loo adeegsaday gaadiid ama qaraxyo lagu soo xiray qof naftii hure ah iyo weliba afduub.

Baaritaan kiiska raggan laga diyaariyey waxaa ku jira sawiradooda oo muujinaya ayaga oo la jooga sarkaal sare oo ka tirsan hoggaanka sare ee kooxda argagaxisada ah ee Daacish.

Bilihii April iyo Maj sannadkii 2013ii ayey ka qayb-qaateen qoor goyn ama gowracid ruux ay qabteen, sida lagu yeri baaritanka kiiska ragggan ka dhanka ah.

Labada nin ayaa gebi ahaan-ba  inkirsan eedeymaha loo jeedinayo. Hans Gaestadius ww qareenka mid ka mid ah eedeysanayaasha:

- Waa inkirsan yahay eedeymaha loo jeedinayo. Arrinka waxuu ku sabsan yahay denbi dil ah, halka xeer-illalaiyaha ku doodayo fal argagaxio ama fal xasuuq dadweyne. Eedeysanaha qareenka u ahay waa inkirsan yahay in uu ka qayb qataan falka haddan daawanay, ayuu yeri.

Raggan ayaa la soo xiray bishii julay, iyadoo ragga midkooda 30 jirka ah illa waqtigas xirna, halka 32 sanno jirka oo ah ruux ku fadhiya kursiga cuuryaanka dayrtii laga xanibay in uu ka baxo magaalada Göteborg.

 Maxkamadeynta raggan ayaa socon doonta illaa iyo berrito oo jimco ah

 

/SR P4 Göteborg

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".