Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xeer cusub oo degmooyinka ku khasbaya qaxootiga

La daabacay torsdag 26 november 2015 kl 15.42
Degmo kale boos lagama iibin karo
(3:00 min)
Ylva Johansson S, wasiirka suuqa shaqada iyo Gustav Fridolin, MP wasiirka tacliinta. Sawirle: Henrik Montgomery/TT.
Ylva Johansson S, wasiirka suuqa shaqada iyo Gustav Fridolin, MP wasiirka tacliinta. Sawirle: Henrik Montgomery/TT.

Dawladda ayaa maanta go’aansatay inay soo ban-dhigto qorshe xeereed ku khasbaya degmooyinka sidii ey qaxootiga deggenaansha ku heley dalka ey ku meeleeyn lahaayeen .

Xeerka ayaa la rajeeyneyaa inuu hir-galo sannadka foodda innagu soo haya, waana mid marka hore saameeyn ku yeelan doona sidii loogu qeybin lahaa degmooyinka dadyoowga sharciga heley ee muddaba ku xayirnaa xeryaha qaxootiga.

Xafiiska shaqada ayaa saadaalinaya in sannadka foodda innagu soo haya loo qeybin doono degmooyinka tiro gaarsii-san 21 700 oo ruux, halka sannadka xiga ee 2017 la fileyo in sidoo kale degmooyinka loo qeeybiyo tiro intaasi ka sii badan. Qaybinta ayaa marka ugu horeysa lagu qiimeeyn doonaa goobaha ey shaqooyinku ka jiraan ee degmooyinka iyo gobollada. Iyadoona dhammaan gobolladu ku khasbanaan doonaan iney qaxootiga qaabilaan, hase yeeshee ey marka ugu horreysa ey laba gobol culeeyska qaadi doonaan, sida ay sheegtay wasiiradda suuqa shaqada Ylva Johansson oo shir jaraa’id ey maanta wada-jir u qabteen Gustav Fridolin, ahna wasiirka tacliinta: 

- Marka ugu horreysa waxaa culayska la saari doonaa gobollada ey shaqooyinku ka jiraan. Waana gobollada Stockholm iyo Norbotten. Markaa dabadeed waxaa dib loo eegi doonaa degmooyinka iyo suurtagallada shaqooyinka ee ka jira.

Degmooyinka suurtagal u yeelan kari maayaan iney abiil ka qaataan qaxootiga loo qoondeeyo, iyo iney degmo kale ka iibsadaan boosaskii iyaga loo qoondeeyey. Dhanka kale ma jiro hab lagu ganaaxi karo degmooyinka ka soo bixi waaya masuuliyaddaa. Iyada oo uu xeerkani yahay mid lagu jebineyo xoriyadda maamul ee degmooyinka, hase yeeshee uu falkasi yahay mid dan wanaag-san laga leeyahay, sida ay sheegtay Ylva Johansson.

Isla shirkaa jaraa’id ayaa ka sheegay wasiirka tacliinta Gustav Fridolin in dawladdu go’aamisay in baaritaan degdeg ah loo saarey sidii loo soo hubin lahaa wax ka bedelka xeerka sidii ey iskuulladu habka ugu wanaag-san ugu qaabili kari lahaayeen ardeyda dalka ku cusub. Baaraha howshan ayaa laga fileyaa inuu ka soo baaraan-dego sidii suurtagal looga dhigi lahaa sidii ardeyda dalka ku cusub loogu suurtagelin lahaa iney qeyb ka noqdaan iskuullada ka bax-san xaafadaha ey ku dhaqan yihiin iyo iskuullada mulkida loo leeyahay ee safafka loogu jiro.

Iminkadan ayey afar boqolkiiba afar keliya iskuullada dalku qaabilaan saddex daloolow mid ardeyda dalka ku cusub, sida uu sheegay Fridolin. In ka badan shan daloolow mid ee iskuullada dalka ayaan qaabilin ardey dalka ku cusub.

Isha/ PK

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".