Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka jirrada isku qora oo sii kordhay

La daabacay fredag 27 november 2015 kl 09.57
Försäkringskassan. Foto: Jessica Gow/TT.
Foto: Jessica Gow/TT.

Baadhitaan ay heeyada caymiska maanta shaacisay ayaa sheegaya in dadka xanuunka isku qora shantii sanno ee ugu dambeeyay soo kordheen.

Islamarkaas na ay dawladdu ilaa 2010 isku dayaysay in ay tirodan dhinto, hasayeeshe ku guuldarraysatay, 10,3 casho, halkey rajeenayeen in ay sannadkan ka dhigaan 9 casho qofkii . Hasayeeshe sannadku marku yahay 2020 ayey dadku maalmaha bukitaanka sii korodhsanayaan, 13 casho. Sidaas waxa soo qoray Anne-Marie Begler iyo Lars-Åke Brattlund oo ka hawlgala heeyada caymiska, qoraalkan oo ay wargeeyska Dagens Nyheter bogeeda ku shaacisay.

Dhanka kale ayey arrintani misaaniyada Iswiidhan saameeyn xun ku yeelatay. 16 billion oo koroon ayaa halkan ku baxay ilaa 2010, tan oo sii kordhaysa, ayey u jeedaan Begler iyo Brattlund sannadka dambe 2016 oo ay 6,5 billion oo dheerad ah halkaas ka baxi doonan, sida u baadhitaanka heeyadan u muujinayo. Sababta oo ah in dadka jirroda isku qora mustaqbalka sii badanayaan.



Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".