Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Iswiidhan oo joojin karin dadka xad gudubka galmada caruurta u geeysta

La daabacay fredag 27 november 2015 kl 14.53
" Raad raac kuma sameeyn karno"
(2:39 min)
Kvinna tittar på mobiltelefon.
Arkivbild. Foto: Fredrik Sandberg/TT

Habka caddaaladda iyo qaanuunka waddanka ayey mushkiladooyin weyni ka haystaa si loo joojin laha xad gudubka galmada ee caruurta internetka appka internetka looga geeysto.

Mid ka mid ah sababahan ayaa ah in shirkadaha appyadda internetka ku qaadato wakhtii dheer in ay heeyadaha Iswiidhan u gudbiyaan warbixin ku saabsan dadka laga shakiyay in ay caruurtan sharci jabeintan ku sameeyeen.

-Waa mushkulad weyn oo aanu haysano, ayey sheegtay xeer ilaaliye Marianne Ny oo arrimahan ka hawlgasha.

Appka kanadiyaanka ah ee KIK loo yaqaano ayaa ka mid ah meelaha ay caruurto iyo dhalinyaradu boqdan markey rogrogayaan bogagga internetka. Islamarkaas na ay tahay meel ay dadka xad gudubka caruurtan ku sameeysa ku badanyihiin.

Hasayeeshe wey adagtahay in u boolisku dacwad ku bilaabo dadka sharci jebintan caruurta u geeysta ,waa in ay maxkamada ugu sareeysa ee Kanada ka dacwoodaan, dabeetana wakhti dheer sugaan inta ay jawaab heli karayaan, wakhtigaan ayaa ku dheer heeyadaha Iswiidhan, marmarka qarkood na gaadha dhowr bilood. Tan ayaa shirkadaha telefoonada ku atkeeynaysa in ay dadkan raad raac ku sameeyan, madama ay warbixinta noocan oo kale diwaankooda ka baxdo 6 bilood ka dib. ayey sheegtay xeer ilaaliye Marianne Ny.

Tomas Matsson ayaa xeer ilaaliye ka ah maxkamada sare ee maamulka.

-Waxaan iminka gacanta ku haya dacwad ku sabsaan 100 gabdhood oo ah da´da 5-14 jir. Hablahan ayaa dembi galmo looga geeystay appkan. Marka aan dacwada u dirno maxkamada sare ee Kanada, jawaab na heli weyno ,waxaan ku khasbanahay in ay ashkatada xidhno. Waanu arrin aan dhowr jeer soo maray, ayuu sheegay.

Mushkulada ugu weyn halkan ayaa ah in ay wakhi dheer qaadato inta ay shirkadani warbixin ku sabsan dadka sharci jeebinta geystay, u gudbin karaan Iswiidhan .Hadii ay gudbiyaan na wa mar maclumaadkan raad raac lugu sameyn karin, madama u ka baxay diwaanka shirkadaha telefoonada Iswiidhan, ayey sheegtay xeer ilaaliye Marianne Ny.

Arrinkan ayaa keenay in heeyadaha xeer ilaaliyaasha laga bilaabay baadhitaan ku sabsan si dhakhso warbixintan looga heli kari laha shirkada KIK, si aaney uga qorsoomin diwaanada shirkadaha telefoonada markey raadraaca ku sameeynayaan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".