Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Sharuucda hagta isqurxinta oo wax laga baddelayo

La daabacay fredag 27 november 2015 kl 15.34
"Maanta macaamiisha ma heysato difaac"
(2:16 min)
Skönhetsbranschen är en snabbväxande mångmiljonindustri. Foto: Lise Åserud/ TT
Skönhetsbranschen är en snabbväxande mångmiljonindustri. Foto: Lise Åserud/ TT

Dowladda ayaa maalinta isniinta loo gacangelinayaa baaritaan ku sabsan alaabaha isqurxinta.

Haddefka baaritaanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa difaaca ruuxa macaamiisha ah marka uu isku sameeyo daweyn isqurxin ah.

Eva Nilsson Bågenholm waa baaraha dowladda u sameeyey baaritaankan isniina loo gacan gelinayo. Ruuxa macaamiisha ah maanta maheysto wax difaaca ah ayey tiri.

- Maanta ruuxa macaamiisha ah ma heysto wax difaac ah ama difaaca uu heysto waa mid khafiif ah. Sharciga maanta difaaca macaamiishana ma ahan mid ku filan.

Eva Nilsson Bågenholm ayaa sheegtay in sharciyada maanta jira ay ku sabsan yahiin alaabaha sida loo isticmaalo balse aysan ku sabsaneyn sida qofka isqurxuniya daweynta loo siiyo iyo daweyntas dhibaatada hadey ka dhalato.

Marka laga hadalay is-qurxinta waxay ahaan kartaa ruux qaliin muuqaalkiisa baddelaad ku sameeyey, ama qaatay dawooyin laysku qurxiyo, sida in uu isku duro cirbad furuuraha lagu weynaysto ama lagu yareynayo xaydha jirka.

- Maanta majirto tirkoob muujinaya inta sameysa qaliinada jirka ee isqurxunta ama inta lagu sameeyo oo dhibaato ka soo gaarto, waana dhibaatada maanta ka jirta branscha isqurxunta, ayey tiri.

Waddanka Sweden ayey maanta aad u sahlantahay furashada goobaha laysku qurxiyo. Suuqa isqurxinta Sweden ayaa sharuucda hagta tahay mid jilicsan ama jirinba. In la furto goob klinik isqurxin ah ayaa ka sahlan in la furto goob kaffe lagu iibiyo.

- Maanta Way yartahay sharuudaha haga ka macaashta is-qurxinta, haddaba waxay ku xiran tahay waxa meheradda tahay. Waxaan soo dhigi doontaa isniinta sharuuddo cusub oo ganacsigaan lagu hago doono, ayey.  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".