Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Jawaahir "Dabeeyl gariir badan ayaa dhacaysay"

La daabacay måndag 30 november 2015 kl 10.16
"Hadda wey degantahay"
(1:14 min)
Öresundsbron och storm
1 av 2
Foto: Johan Nilsson / TT
Delar av taket har lossnat. Fullt av bråte ligger på gården.
2 av 2
Det här huset i Helsingborg i Skåne skadades av stormen Gorm. Foto: TT.

Duufaanka lagu magacaabay Gorm ayaa xalay dhowr waddo xidhay, islamarkaas na ay ugu yaraan kumankum guri gobolka Skåne, konfuurta iswiidhan koroontada ka gooyay.

Xooga duufaankan ayaa dabeetana dhowr tareen oo gobolkan ka bixi laha xidhay. Reer ka mid ah kumaankumka u duufankani saameeyay ayaa ah Lausten oo ku sugan magaalada Helsingborg. Jaarka saqafkiisi ayaa guriga reerkan ku soo dumay. Tan ayaa dabeetana keentay in ay dhowr daqadood halkaas ku jabeen.

-Madama u tiirka dhismaha guriga haya go´ay waxaan ka welwelsaneeyn in u gurigu nugu dumo, iminka waxaan la joogna reerka jaarka noo ah, caruurtu weli baqdin ayaa haysa, ayuu sheegay Christian Lausten.

Duufaankan xalay soo gaadhay gobolka Skåne ayaa xoogiisa lagu qiyaasay 34 mitir, sekankiiba.

Kan ayaa xalay joojiyay tareemada gobolada Halland,Skåne iyo Småland.

Hasayeeshe gaadiidkan ayaa dabeetana la furay markii ay saacadu aheeeyd 23 habeenimo. Sido kale briijka Öresund oo isagana la xidhay dufaankan awgii.

Maqal Jawaahir Kahin Aadan oo magaalada malmö ku nool.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".