Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Macallimiinta oo xaaladooda ka cabanaya

La daabacay måndag 30 november 2015 kl 15.13
Elever i åk 2 räcker upp handen på lektion. Foto: Jessica Gow/TT
Elever i åk 2 räcker upp handen på lektion. Foto: Jessica Gow/TT

Macallimiinta caawisa macalimiinta aan xirfad u laheeyn waxbarashadda ayuu wakhtiga ku yaryahay markey isku dayaan in ay kuwaan ka caawiyaan qimeeynta shahaadada.

Tan ayaa keentay in ay ururada macallimiinta u gaarka ahi ka welwelsanyihiin xaalada ka taagan Iskuulada waddanka.

Iminka ayaa la go´aamiyay in macaliminta xirfada haysta ku khasbanyihin in ay qiimeeynta shahaadada ka caawiyaan kuwa aana xirfada haysan ilaa iyo sannadka 2016, go´aankan oo xagaagi la soo dejiyay, hasayeeshe xilkaasi waagaas saarna macalimiinta shaqeeynaysey ilaa 2010, ayaa iminka laga dhigay in ay caawimaadan waajib u tahay dhamman macalimta shaqeeysa, macaliminta da´da yar iyo kuwa da´da weyn.

Hasayeeshe macalimiintan ayaa iminka ka cabanaya in aaney haysan wakhti ay caawimaadan ku bixiyaan.

Per Källman ayaa ururka macaliminta u qaabilsan degmada marks oo ku taala gobolka Västergötland.

-Waxaanu codsanayna in macaliminta caawimadan bixinaysa taageero dheerad ah helaan, shaqadoodi kale ayaa ku badan, cawimmad dheerad ah ma bixin karan, madama u wakhtigu ku yaryahay, ayuu sheegay.

Anna-Jändel Holst ayaa fikirkan Källman kula raacsan.

-Ma fahansani si u arrinkani u dhacayo, horta waxaan is weydiinaya in ay caawimaadan dheeradka ahi sharciga taageero ku leedahay, ayey sheegtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".