Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga SD oo u gacan haadiyay M iyo KD

La daabacay måndag 30 november 2015 kl 15.37
Shirweynihii xisbiga SD oo soo xirmay
(4:30 min)
Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson. Sawirle: Björn Lindgren/TT.
Jimmie Åkesson, hoggaamiyaha xisbiga SD. Sawirle: Björn Lindgren/TT.

Kolkii uu magaalada Lund ku soo gabagaboobay kulankii wakiillada xubnaha xisbiga ee Sverigedemorkaterna axad-nimadii shalay ayaa la oran karaa in hoggaanka xisbigu ku guuleeystay in la raaco dhabbaadii siyaasadeed ee soo dejiyay. Fikirro badan ayaa sidoodii loogu codeeyey iyaga oo aan is-bedel ballaaran lagu sameeyn iyo sidoo kale in la adeecay fikirkii xisbiga ee macaashka shirkadaha ku howl-gala adeegyada bulshada.

Hase yeeshee uu hoggaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson gacan maran kala kulmay dhambaalkii uu u diray xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna iyo sidii ey mustaqbalka uga wada shaqeeyn lahaayeen iney dawlad wada dhistaan:

- Kolka laga eego xaaladda fikirka bulshada iyo taageerada loo hayo xisbiyada waxaa muuqata in midda ugu macquulsani tahay hoggaan ey ku midoobeen xisbiyada garab-ka midig ee siyaasaddoodu dhexda ku jiheey-san tahay kana kooban xisbiyada Moderaterna, Kristdemokraterna iyo Sverigedemokraterna.

Balse ay hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Anna Kinberg-Batra iyo xoghayaha xisbiga Kristdemokraterna Acko Ankarberg ey labaduba ku gacan seereen fikirka Jimmie Åkessons iyo iney dawlad kula midoobaan xisbiga Sverigedemokraterna.

Åkesson qudhiisa oo galay sannadkiisii 11 muddadii uu hayay hoggaanka xisbiga SD aanu rajo ka qabin fikirkiisa, hase yeeshee sheegay mar uu u warramayay idaacadda la iska daawado ee Svt in tallaabo noocaasi ah ay suurtagal noqon karto ugu horreeyn kadib doorashada 2018, ama midda dhici doonta 2022:

- Sida degdegga leh ee siyaasadda dalku isu rogrogeeyso, qaasatan sannadkii ugu dambeeyay ay sidoo kale waxyaabo badani u suurtageli karaan, sida uu sheegay.

Maxay kula tahay iney ku fekereyaan dhammaan xubnihii xisbiga socialdemokraterna ee xisbigaaga u codeeyey iney fikirkan ka qabaan?

- Haddii la eego hab-dhaqanka Stefan Löfven iyo sida fog oo ay xisbiga bidix ugu weeciyeen xisbiyada Miljöpartiet iyo Vänsterpartiet suurtagal maahan mustaqbalka dhow in aannu la yeelanno wada-shaqeeyn mug leh, kolka loo barbar-dhigo xisbiyada M iyo KD.

Sverigedemokraterna wuxuu weligiiba ku haminayay sidii uu siyaasaddiisa ugu meeleeyn lahaa bartamaha labada garab ee bidix iyo midig oo xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka ey maanta u kala qeyb-san yihiin. Hase yeeshee iminka uu u muuqdo mid garabka midig u janjeersaday wixii ka dambeeyay gacan haadinta uu xisbigu u gacan haadiyay xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna, xitaa haddii middaa ugu wacani tahay in xisbiyada M iyo KD ey adkeeyeen siyaasaddoodii soo-galootiga ee uu xibiga SD u doonayo inuu wada-shaqeeyn la yeesho.

Sawirkan ayuu sii qeexayaa iyada oo cod aqlabiyad leh looga soo hor-jeestey mooshin la soo ban-dhigey iyo in si aad ah loo xaddido macaashka ey helaan shirkadaha ku howl-gala adeegyada bulshada ee hab-nolol wanaagga. Oscar Sjöstedt, waa af-hayeenka arrimmaha dhaqaalaha ee xisbiga:

- Ha ku ciyaarin qaybta garoonka ee xisbiga Bidixda – Vänsterpartiet kolka su’aashaa la hadal hayo. Fikirkooda asaliga oo ey su’aashaa ka qabaan ayaan ahayn oo keliya mid khaldan, balse uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn.

Sidoo kale waxaa iyaguna la qaatey fikirradii xisbiga ee siyaasadda dhallaanka, midda dembiyada, warshadaha, arrimmaha dibadda iyo siyaasadda ammaankaba iyada oo aan is-bedello sidaa u ballaaran lagu sameeyn.

 Isha/ Ekot, Svt

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".