Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

EU oo go'aansatay in la sumadeeyo alaabooyinka Israa'iil qaarkood

La daabacay måndag 30 november 2015 kl 17.01
Löfven: Waa go'aan aannu ayid-sannahey
(2:53 min)
Madaxa dawladda Stefan Löfven. Sawirle: Claudio Bresciani/TT
Madaxa dawladda Stefan Löfven. Sawirle: Claudio Bresciani/TT

Israa’iil ayaa ku dhawaaqaday in aanay doonayn in EU xubin ka sii ahaato waanwaanta wada-hadallada nabadda ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin, middaasina oo ka dambeeysay kolkii ay EU go’aan ku gaartay in la sumadeeyo cunnada Israa’iil dibadda u soo dhoofiso ee laga beero carriga laga haysto Falastiin.

Waannu la qabnaa sumadeeyntaa. Waxaannu aamin-sannahey inay muhiimad ku fadhido in falkaa lagu tallaabsado maadaama uu dhulkaasi yahay mid xoog lagu qabsaday. Macaamiishu markaa go’aan ha ka gaaraan siday ka yeeli lahaayeen, sida uu sheegay madaxa daladda Sweden Stefan Löfven kadib markii uu madaxa dawladda Israa’iil Netanyahu uu ku dhawaaqay in dalkiisu illaa hadda xiriirka u jarayo dhammaan hayadaha EU ee ku shaqada lahaa waanwaanta nabadeed ee u socday Falastiin iyo Israa’iil.

11-kii bishii noveembar ayay ahayd kolkii EU go’aan ku gaartay in la sumadeeyo alaabooyinka lagu beero carriga Falastiin xoogga looga haysto ee Qaza iyo bariga Yerusalaam iyo buuraha Golan, iyadoona aan iminka khamriga wain-ta ee laga sameeyo canabka lagu beero buuraha Golan ee dalkan Sweden lagu iibiyo lagu sumadeeyn karin in Israa’iil lagu keeney ama lagu sameeyey MADE IN ISRAEL.

Iyadoona ay dawladda Israa’iil dhaleeceeyn dusha uga tuurtay go’aanka EU-du gaareen, middaasina looga cabsi qabo inay tallaabadaasi hor-seedi karto in alaabooyin kale ee dalka Israa’iil lagu sancadeeyey lagu soo rogo cuna-qabatayn.

Hase yeeshee xitaa haddii go’aanka Israa’iil dawladdeedu ay qaadatay uu saameeyn ku yeelan karo wada-hadalka nabadeed iyo in aanu dalkan Sweden qayb ka noqon karin, haddana uu madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven uu go’aankaa uu ku dheggan yahay go’aanka sumadeeynta alaabooyinkaasi:

- Waxaan rajeeyn in dawladda Israa’iil ay dib arrinkaa uga fiirsato, waayo waa muhiim in la soo cusbooneeysiiyo wada-hadalkii nabadeed. Midda aannu dooneyno waxay tahay in Israa’iil iyo Falastiin-ba ku wada noolaadaan nabad iyo deris-nimo wanaag. Waana mid qiime ku fadhida in la sumadeeyo dhammaan alaabooyinka laga soo saaro dhulka xoogga lagu haysto.

Isha/ Ekot

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".