Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

SCB: Xisbiga SD oo taageeradiisu kor u socoto

La daabacay tisdag 1 december 2015 kl 10.17
Hoggaamiyaha xisbiga SD oo hor taagan sumadda xisbiga. Sawirle: Björn Lindgren/TT.
Hoggaamiyaha xisbiga SD Jimmie Åkesson. Sawirle: Björn Lindgren/TT.

Tira-koobkii ugu dambeeyay oo ay maanta soo saartay SCB ayay kor u kacday taageerada xisbiga Sverigedemokraterna oo gaartay 19,9%. Halka ey xisbiyada Socialdemokraterna iyo Modaraterna taageero lumiyeen.

Xisbiga Sverigedemokraterna ayay taageeradiisu kor u kacday 5,5% wixii ka dambeeyay tira-koobkii SCB sameeysay bishii maajo ee sannadkan. 

Waa tiro aad u fara badan, iyadoona ay xisbiga taageeradiisa kor u kacday 7% wixii ka dambeeyay doorashadii septeembar 2014.

Wixii doorashada ka dambeeyay ayey taageeradoodu hoos u dhacday xisbiyada Socialdemokraterna iyo Modaraterna. 

Socialdemokraterna ayay taageeradiisu hoos u dhacday 2,4%, iyadoona iminka gaarsiisan tahay 27,6%, halka xisbiga Modaraterna ay taageeradiisu ka dhacday 25,6% oo ay taagnayd bishii maajo, iminkana tahay 23,5%. 

Dhanka kale waxaan is bedel aannu ku dhicin taageerada xisbiyada kale kolka loo barbar-dhigo wixii ka dambeeyay bishii maajo. 

Xisbiyada aan taageero lumin marka loo barbar-dhigo tira-koobkii bishii noveembar ayaa ah xisbiyada Center-ka iyo Liberalerna (xisbigii horay loo oran jiray Folkpartiet).

Xisbiga Center-ka ayay taageeradiisu kor u kacday 0,1%, iyadoona caga-dhigatay 6,5%. 

Xisbiga Liberalerna wuxuu ka kacay 4,9% bishii maajo, iminkana gaaray 5,5%. 

Isha/ Ekot

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".