Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

In la abuuro gaashaan buurta qorraxda

La daabacay tisdag 1 december 2015 kl 10.46
Kulankii cimilada oo galay maalintii labaad
(1:55 min)
Barack Obama iyo madaxdii kale ee kulanka cimilada ka qeyb galeeysay. Sawirle: Eric Feferberg/TT
Sawirle: Eric Feferberg/TT

Kulankii caalamiga ee cimilada oo shalay ka furmay magaalada Baariis ee dalka Faaransiiska ayey madaxdii 150 ahayd ee kulankaasi ka qeyb gashay soo jeediyeen tallaabooyin ey ka mideeysan yihiin oo ey ka mid ahaayeeen dhowrista cimilada, soo saarista tamar cimilada u wanaag-san iyo weliba sidii loo yareeyn lahaa isticmaalka dhuxusha.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale soo ban-dhigey fikir la xiriira sidii kor loogu soo qaadi lahaa isticmaaalka tamarta qorraxda ee waddammada dhaca cimilada troobiska.

In la abuuro gaashaan-buurta tamarta qorraxda ayaa ka mid ahaa fikirradii lagu soo ban-dhigey kulanka caalamiga cimilada ee Qarammada Midoobey (QM). Mashruucan ayaa lagu caawini doonaa maal-gelinta iyo qalabaynta 120 waddan, lehna suurtagal qorraxda hase yeeshee aan u istcmaalin habkii ugu wanaagsanaa. Halka uu maamulka dalka Hindiya sheegay inuu ku maal-gelin doono miisaaniyad gaarsii-san 786 malyan dhismaha xarun dhexe.

Kulanka caalamiga ee looga xaajooneyo cimilada ayaan gaar ahaan loo soo ban-dhigin su’aasha la xiriirta ka ganacsiga ama kala iibsiga wasakhda cimilada lagu daaayo. Halka uu dalka Kanada ku caan baxay doonista isticmaalka dhuxusha, ase yeeshee uu hoggaamiyaha cusub ee dalkaasi Justin Trudeau ( Jastin Trudo) laga dareemayey dhambaallo cusub.

– In la yareeyo wasakhda cimilada lagu sii daayo maahan oo keliya mid adduunka u wanaag-san, sidoo kale waxay u wanaag-san tahay baayacmushtarka iyo weliba jiilasha soo koraya kolka laga hadleyo cimilada iyo dhaqaalahaba, sida uu sheegay.

Isha/ Ekot

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".