Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muse sultan: bukaan u maleeya beri inay dhimanayaan baan nooyimaada

La daabacay tisdag 1 december 2015 kl 14.45
"Soomaalida qof ay ku ogaadan hiv in uu qabo way ku aflagaadeyneysaa"
(8:56 min)
Gibril Musesultan från somaliska hälsoteamet
Gibril Musesultan oo horumood ka ah ururka somaliska hälsoteamet. Foto: Warsame Elmi/SR

Horumar weyn oo  ah dhanka dawada ayaa laga sameeyey tan iyo markii 30 sanno ka hor Sweden lagu arkay bukaankii ugu horeeyey ee qaba cudurka Hiv.

Horumarkas dawo ayaa u suurogeliyey dadyowga qaba cudurka Hiv in ay ku noolaadaan nolal la mid ah tan dadka aan qabin cudurkan. Laakiin saas oo ay tahay dadyowgan la nool hiv ayaa weli la kulmaya takoor iyo bahdilaad salka ku haya aqoon xumo iyo aragtiyo aan raad laheyn.

Ururka somaliska hälsoteamet waa urur ka jira magaadala Stockholm oo taageero iyo caawinaadba siiya dadyowga soomaalida ee uu haleelo cudurka hiv. Sidoo kale ururkan ayaa soomalida ku nool nawaaxiga Stockholm u qabta aqoon kororsi iyo wacyigelin la xiriirta cudurada ku faafa galmada, gaar ahaan hiv-ga.

  Gibril Muse sultan oo hormood ka ah ururkan ayaa sheegay in dadka waxa ugu horeeya ey ogeysiiyaan ay tahay  sharcigu middaa wuxuu ka oranaya haddii qof hiv qabo uu la galmoonayo qof kale.

- Sharciga waddanka wuxuu dhigayaa qofka hadduu  cudurka qabo oo uu la kulmo qof kale oo uu ka helay waa inuu u sheego cudurkas in uu qabo. Waayo qofka waxaa saaran masuuliyad ah cudurkiisa in uu kontoroolo.

Ururka somaliska hälsoteam illaa iyo bartamahii sagaashamaadkii ayuu ka soo shaqeynayey arrimaha la xiriira cudurada galmada layskugu gudbiyo sida cudurada hiv iyo aids. Dadka soomaalida Sweden ayuu ururku siiyaan wacyigelino la xiriira sida ey cuduradani ku faafaan iyo sida layskaga difaaci karo. Sidoo kalena ururka ayaa gacan iyo taagero u fidiya bukaanka soomaalida ee uu haleelo hiv sida uu yeri Gibril muse sultan.

- Waxyaabaha aan ka caawino bukaanada soomaalida waxaa ka mid ah tusaale in aan telefoono hosbitaalada uga turjuno, waayo soomaalida bukaanka ah badanaa ma rabaan in uu turjubaan soo horfariisto. Sidoo kale  waxaa noo yimada dad marka lagu sheego cudurka iyagoo naxsan oo u maleeyaya in berriba ay dhimanayaan.  Waan dejinaa oo u sheegnaa cudurkan in uu yahay cudur caadi ah oo cudurada ka mid ah. Dawooyinka lagu siiyey sidii loogu talogalay hadaad u qaadatid  waxba kagama duwanaanaysid dadka kale, ayuu yiri.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".