Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xurguf ka dhex aloosan xisbiga Doogga MP

La daabacay tisdag 1 december 2015 kl 16.00
Mukhtaar: Danta guud waa in marar la eego
(8:45 min)
Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S) iyo ku simaha madaxa dawladda Åsa Romson (MP). Sawirle: Janerik Henriksson/TT.
Sawirle: Janerik Henriksson/TT.

Xubno badan oo ka tirsan xisbiga Miljöpartiet ayaa dooneya in la burburiyo heshiiskii uu xisbiga MP la galay xisbiga ey dawladda ku midoobeen Socialdemokraterna ee la xiriiray siyaasadda soo-galootiga. Heshiiskaasina oo lagu dhawaaqay 24-kii bishii noveembar. Magaalooyinka Malmö iyo Stockholm ayaa fiid-nimadii shalay ey ka qabsoomeen kulammo aan caadi ahayn iyo sidii looga xaajoon lahaa muranka xisbiga ka aloosmay.

Mats Pertoft, waa gudoomiyaha xisbiga MP ee magaalada gobolka Stockholm:

- Kulankan waxaannu isugu yeernay waa marka koowaade in dhammaan xubnaha xisbiga ee gobolka lagu war-geliyo xaqiiqda go’aanka dawladda ee la xiriira siyaasadda socdaalka iyo xubnuhu si furan uga doodaan go’aanka, isagoona intaa raaciyay inuu lama filan waa ku noqday heshiiska ey wada-jirka u gaareen xisbiyada xulufada ku ah dawladda:

Mukhtaar wuxuu ka mid yahay xubnaha xisbiga Doogga (MP) ee magaalada Eskilstuna. Isagoona sheegay in tallaabada heshiiskan lagu gaaray ahayd mid laga laga fur-san waayay, maadaama uu culeeys ballaaran soo fuulay dalka qaxootiga aawadii:

Isha/ Ekot, Radio Sweden

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".