Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Da’yarta Hbtq oo iskuullada lagu wax yeeleeyo

La daabacay onsdag 2 december 2015 kl 15.47
Da' yarta Hbtq iyo caqabadaha ka haysta iskuullada
(7:10 min)
Hbtq iyo iskuullada. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
1 av 4
Dhallaanka Hbtq iyo dhibaatooyinka ku haysta iskuullada. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Henrik Karlsson. Gacanyare hayadda mucf. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
2 av 4
Henrik Karlsson. Gacanyare hayadda mucf. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Tommy Eriksson, la taliye dhanka tacliinta ee hayadda maamulka iskuullada. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
3 av 4
Tommy Eriksson, la taliye dhanka tacliinta ee hayadda maamulka iskuullada. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Frida Sandegård - mucf. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
4 av 4
Frida Sandegård - mucf. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

War-bixin sannadeedkii hayadda dhallin-yarada iyo arrimmaha bulshada oo sannadkan tooshka lagu saarey mashruuc loogu magac-darey ”Fokus 15”, lana xiriira xaaladda ardeyda iyo dhallin-yarada Hbtq iyo caqabadaha kala soo gudboonaada iskuullada ayaa saaka lagu qabtay kulan looga xaajoonayey magaalada Stockholm, kulankaasina oo ey ka soo qayb galeen casharrana ka bixinayeen marka laga yimaado hayadda war-bixinta soo saartay sidoo kale hayadda maamulka iskuullada Skolverket iyo Forum för levande historia – golaha dhowrista taariikhda.

- Sidii loo qariidadeeyn lahaa waxna looga ogaan lahaa hab-dhaqanka galmada ee da’yarta iyo xuquuqdooda, halkaasina lagu eegey waxyaabo kala duwan oo ey ka mid yihiin tusaale ahaan xaaladda Hbtq ee iskuullada oo kulanka maantana uu ku saabsanaa, aqoonsanaanta hab-fikirka, sida xeerarka dalka u degsan ee galmadu u shaqeeyaan iyo wixii la mid ah, sida uu sheegay Henrik Karlsson, ahna gacan yare ka howl-gala hayadda dhallin-yarada iyo arrimmaha bulshada oo kulankaasi goob joog ka ahaa.

Caqabadda kala soo gudboonaata iskuullada ee da’yarta Hbtq ayaa ah mid aad u sarreysa iyadoona ey dhibaatooyinka kala soo gudboonaada ayuu sheegay Tommy Eriksson, ahna talo-bixiye dhanka tacliinta ee hayadda maamulka iskuulladu in xaaladdaasi wax yeeleenayso dhallaankaasi sidii ey tacliinta iyo nolosha uga guul gaari lahaayeen. Maadaama buuna yiri aaney dareemeeyn ama aan loo muujin iney bulshada qeyb ka yihiin:

- Waxay taasi macnaheedu noqoneeysaa in aaney tacliinta u gudan karin sidii la rabay mar haddii aaney dareemeyn iney bulshada qayb ka yihiin ama aan loola dhaqmin hab wanaag-san, in aaney ka dhex muuqan qalabka iyo buugagta tacliinta. Middaasina oo hor-seedaysa in tacliintu aanay ahayn mid macne ugu fadhida dhankooda. Iyo sidoo kale haddii aanay jirin howlo qeexan oo falalkaa looga hortageyna iney da’yarta la soo gudboonaato faqooq, middaasina oo dhankeeda hor-seedeeysa xaalad dheeri ah oo da’yarta keliya maahee aaney wax ku baran karin xitaa dadka da’da ah kaceeysa, sida uu sheegay.

Hbtq ayaa ah ereyo la soo gaagaabiyey oo ka kooban macnooyin kala duwan. Waxaana lagu soo koobi karaa dadyoowga u galmooda si cid ay isku sinji yihiin, labada sinji, sinjogooda bedela ama aan aqoonsaneyn labada sinji ee jira rag iyo haween – homosexuall, bisexuall, transsexual iyo quweer. Falalka homexual iyo bisexual-ka ayaa la xiriira galmada. Trans-ka ayaa la xiriira sinjiga, halka Queer-ku uu salka ku hayo galmada iyo sinjigaba.

Tiro ahaan lama hayo inta ey öle’eg yihiin da’yarta hbtq ee dhigata iskuullada, hase yeeshee aaney badankood dhibaatooyin ku qabin bayadda ey ku nool yihiin. Balse ey kuwooda dhibaateeysan ey qaar badan oo ka mid ahi ku fekereen ugu yaraan mar iney qudha iska jaraan, sida ay sheegtay Frida Sandegård oo ka howl-gasha hayadda dhallin-yarada iyo arrimmaha bulshada. Ahna hayadda soo diyaarisay war-bixintan. Frida ayaana sheegtay in loo baahan yahay sidii mar hore wax looga qaban lahaa dhibaatada da’yarta la soo gudboonaata inta aanay gaarin iney ku fekeraan iney naftooda haligaan:

- Calaamadaha in lagu fekero in nafta la haligo ayuu 80% ka horraysaa astaanta niyad-jabka ama salcaanku. Haddii kor loo qaado aqoonta iyo sidii astaamahaa lagu garan kari lahaa goor hore waxaa suurtagal ah in la badbaadiyo da’yartaa. Waana mid howlo badan laga qaban karo sidii loo adkeeyn lahaa in da’yartu is aqoonsato cidda ay tahay, inay garato identitigeeda, qofka ay tahay. Waana mid u taala shaqaalaha iskuulladu iney da’yarta aaney ka eegin sida oogadoodu u egtahay oo ey ka eegtaa sida ey dareemeyaan, sida ay sheegtay.

Xeerka Sweden ayaa illaa iminka aqoon-san oo keliya iney jiraan laba sinji oo ah rag iyo haween. Halka waddammada qaarkood la aqoon-san yahay iney jiraan sinjiyo laba ka badan, sinji saddexaad. Iyadoona loo baahan yahay ayey sheegtay Frida Sandegård in mararka qaarkood loo baahan yahay in lagu tallaabsado howlo aan u baahneyn dhaqaale sidaa u ballaaran. Iyadoona tusaale u soo qaadatay musqulaha iskuullada oo kale iyo iney u kala qeyb-san yihiin un Rag iyo Dumar. Hase yeeshee aaney jirin wax ka hor-taagan in musqul un lagu qoro. Ama la helo muqul gaar ah oo ey ku qubeey-san karaan da’yarta hbtq-ga. Waayo bay tiri qaar badan oo ka mid ahi kama qeyb qaataan xiisadaha ciyaaraha maadaama aaney heysan goob ey dabadee ku qubeeystaan.

Sweden meel dheer ayay ka gaartay sidii su’aalaha noocaasi ah loogu dabaqi lahaa nidaamka iskuullada guud ahaan. Waana mid aannu ka dareenno kolka aannu shir ku kulanno saraakiisha ka socota waddammada kale. Hase yeeshee waxaa aad u kala duwan aqoonta iyo waayo-arag-nimada saraakiisha iskuullada ka howl-gasha. Su’aalahanina waxaa looga hadlaa siyaabo kala duwan, ardey kala duwan iyo wixii la mid ah. Waxeyna ku xiran tahay haddba macallinka goobtaa jooga aqoonta uu u leeyahay. Mana ahan xaalad loo baahan yahay, sida uu sheegay Tommy Eriksson, ahna la taliye dhanka tacliinta ee hayadda maamulka iskuullada.

                                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".