Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Ilmaha sharcidarrada dalka ugu dhasha oo kor u sii kacaya

La daabacay torsdag 3 december 2015 kl 11.10
"Waa ilmo aan xeer ahaan u jirin"
(4:20 min)
Kaarka caafimaadka ee dadyoow aan dalka dhuumaaleeysi ku jooga.
Sawirle: Ausi Petrelius/Sveriges Radio.

Siddeedii biloood ee sannadka ugu horreeeyey ayey dalka ku dhasheeen dhallaan sharci la’aan ah kolka loo barbar dhigo inta ku dhalatay sannadkii hore oo dhan. Dhallaankaassina oo kaga diiwaan gashan taariikh iyo saacadda ey dhasheen hayadda diiwaan-gelinta bulshada – Skatteverket, hase yeeshee aaney jirin goob kale oo ey ka diiwaaangashan yihiin, sida ku cad baaritaan ay amuurtaa ku sameeysay laanta wararka idaacadda ee Ekot.

– Waaa dhallaan aan ku jirin wax diiwaan ah, waxana la oran karaa in aaneyba jirin kolka la eego xeerka dalka. Waxay middaasi macnaheedu tahay in haddii dhallaankaasi wax ku dhacan, ama falal aan wanaaganeyn lagula dhaqmo way adkaaneysaa sidii wax looga qabnam lahaa, maadaana aaney jirin dhallaankaasi, sida uu sheegay Henry Ascher guddoomiyaha ururka dhakhaatiirta dhallaanka laantiisa dhallaanka soo galootiga, caalinkaasina oo in muddo ah u heelanaa xaaladda dadyoowga sharci-darrada dalka ku jooga.

Sharci-darro dalka ku joogid ayaa loola jeedaa cid dalka aan si sharci ah ku joogin ama ay ka dhacday fiisadii dal ku galka ama diidmo lagu siiyay dalabkiisii magan-gelyo doon hase yeeshee aan dalka ka bixin. Iyadoona dhammaadkii bishii oktoobar ee saannadkan ey dalka dhuumaaleeeysi ama sharci darro ugu sugnaayeen 14 000 oo ruux, sida ku cad tira-koobka ciidanka boliiska.

Dadyoowgaa ayaay ka mid tahay gabar loogu magacdarey Safiya, hase yeeeshee aanu ahayn magaceedii dhabta ahaa. Safiya ayaa aah hooyo keli nool lehna uur siddeed bilood ah.

– Ma ahan waxaan codsanayo inaan u noolaado sidii boqoraddii Lady Diana, waxaan keliya oo aan codsanayaa waxaay tahay inaan nolol caadi ah un helo sidii aan ilmahayga u badbaadin lahaa, sida ay sheegtay.

Safiya waxay ku nooshahay nolol cabsi leh oo ay ka qabto qooyskeeda. Halka hayadda socdaalka ay aamin-san tahay inay Safiya ammaan ku heli karto dalkeedii, hase yeeshee aanay iyadu ku dhiiran karin inay dalkeedii dib ugu noqoto. Waxaase dhici doonta in wiilkeedu uu dalkan ku dhasho, balse aanu jiri doonin meel uu ka diiwaaan gashaan yahay.

Laanta wararka idaacadda Ekot ayaa ka heshay tira-koob dhammaan dhallaanka sharci-darrada dalka ugu dhashey sannadka cusbitaallada jaamicadaha ee dalka iyo sidoo kale cusbitalka Södersjukhuset. Natiijadii ka soo baxdayna ahyd in siddeedii bilood ee sannadka ugu horeeyey ey dalka ku dhasheen dhallaan gaarsii-san 135, halka ey dhammaan bilihii hore sannadkii ina dhaaafay ey tiradaassi gaarsiisnaaayeen 145 dhallaan. Hase yeeshee waxaa adg sidii tiro dhab ah lagu heli lahaa ee la xiriirta ilmaha dalka ku dhasha oo ey waalidkood dhuumaaleeysiga dalka ugu sugan yihiin.

Patrik Engström, ahna madaxa ciidanka heeyadaha xuduudda qaraanka. Isagoona sheegay in maadaama dhallaankani aaney lahayn waraaqo aqoonsi adkeeyn meeyso oo keliya sidii dembi haddii laga galo loo baari lahaa, waxay sidoo kale adkeenaysaa sidii dalka looga tarxiili lahaa. Sarkaalka ayaa intaa raaciyay in qaar badan oo ka mid ah qaxootiga dalka dhuumaaleeysiga ku yimaadaa aaney dalka magan-gelyo ka dalban.

– Tira-koobka aannu ka heyno bilihii ugu dambeeyey ayaa muujineya in dadyoow badani aaney illaa hadda sameeyn dalab magan-gelyo doon. Waana mid xaqiiq ah in dhallaanka dalka ugu dhasha sida sharci-darrada ah ey kor u sii kici doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Isha/ Ekot

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".