Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cabdibashir: Raggu waa dad caadi ah sida dumarka oo kale

La daabacay torsdag 3 december 2015 kl 18.27
Sinnaanta howlaha ee ragga iyo haweenka
(2:43 min)
Qaryaan Cabdi Bashiir Xirsi oo ku sugan xafiiskiisii shaqada. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR
Qaryaan Cabdi Bashiir Xirsi oo ku sugan xafiiskiisii shaqada. Sawirle: Kenadid Mohamed/SR

Ereyga Feminism-uhu macnooyin badan ayuu leeyahay oo aanan garanayn. Laaakiin anigu waxaan isu arkaa nin rag ah oo bani’aadam ah oo jecel in howlaha la qaybsado. Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen mar uu nooga jawaabayay su’aal la xiriirtay in Cabdibashir Xirsi uu gabaygan uu tiriyay salka ku hayo mabda’a feminism-aha.

 


Cabdibashir Xirsi oo aannu ugu tagney xarunta uu ka howl-galo ee daarta bulshada Rinkeby si aannu wax uga weydiinno ban-dhig laba maalmood socon doona oo jimcada berito ah ka furmi doona xarunta Kista Träff, halkaasina oo lagu soo ban-dhigi doonaa qoraallada, suugaanta iyo dhaqanka soomaaliyeed. Isaguna uu ka mid yahay dadyoowga soo qaban qaabiyey , isla-markaana casharrada ka bixin doona.

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".