Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Seden oo guul ka soo hoyisay tartan Yurub ee dabaasha

La daabacay måndag 7 december 2015 kl 12.14
Sjöström: Waan ka sii hagaajin karay
(1:20 min)
Sawirle: TT
Sarah Sjöström. Sawirle: TT

Sarah Sjöström, kana mid ah caiyaartooyda dabaasha ee dalkan ugu caan-san ayaa ku guuleeysatay tartanka dabaasha boqolka mitir ee lagu magacaabo ”dabaasha ballanbaalista – fjäril, halkaasina oo ay ku dhigtay rikoorka cusub ee tartanka noocaasi ah 55,03. Jeanette Ottesen gabadhii ku xigtay ee kaalinta labaad tartanka qaaday una dhalatay dalka Denmark ayey Sarah Sjöström kaga guuleeysatay iyada oo goolkii kaga hor martay 0,65 seken.

- Xaqiiqdii ma aanu ahayn tartan dhab ahaan iigu dhacay, anigoona dhowr jeer intii uu tartanku socday marar dhowr ah aan u dabaalan sidii caadiga ahayd, sida ay sheegtay Sjöström oo tartankaa dabadii u warrameeysay laanta idaacadda Radio Sweden ee ciyaaraha.

Biladdaa ayaa ahayd billaddii saddexaad ee tartan oo ay ku guuleeysato Sjöström, tartanka dabaasha Yurub ee ka dhacaya magaalada Netanya ee dalka Israa’iil, iyadoona 45 daqiiqo dabadeed kolkii ey billaddaa dahabka qaaday ay ku guuleeysatay biladda qalinka ee tartanka 50 mitir ee loo dabaasho sida furan.

Isha/ SR, Sport

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".