Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawalada ayaa iska dhago marisay dhaleecaynta gudiga talobixinta sharciga

La daabacay tisdag 8 december 2015 kl 11.47
dhaleecaynta gudiga talo bixinta sharciga
(1:00 min)
En domarklubba
Foto: TT.

Gudiga talo bixinta sharciga ayaa diiday soojedintii dawlada ee ahayd in la eego aqoonsiga sida ID yada lana xidho marinka Öresund xaalada daran ee qaxoontiga soo galaya wadanka awgeed.

Haseyeeshee dawalada ayaa iyadu dheg u dhigahayn dhaleecaynta. Gudigan talobixinta ayaa iyadu u eegaysa arinta si ka duwan sida dawlada iyo sida ay u daranahay xaalada qaxoontiga ee hada jirta. Lakiin taas argtida dawlada waxba kama badalin sida waxa yidhi Erik Bromander agaasimaha guud ee wasaarada kabayaasha dhaqaalaha.

Dowlada soo jeedinteeda ayaa in laga bilaabo kowda bisha december ah in sameeyo waxa kabadalis sharci si loo xadeeyo korodhaka qaxoontiga, iyo arimo kale oo la xidhiidhaba, dawalada ayaa raba suurtogalnimada in ay xidho marinka Öresund iyo in ay dhaqan galiyso badhitaanka waraaqaha aqoonsiga ee busaska iyo tareenada iyo marinka biyaha ba.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".