Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasiirka shaqada oo maanta booqatay xaafada Rinkeby

La daabacay onsdag 9 december 2015 kl 14.58
soomaalida shaqo la'aantu hayso
(2:38 min)
Ubax iyo Fartuun oo shirkan ka soo qeyb galay. Foto:Muna Ismaaciil/SR
Ubax iyo Fartuun oo shirkan ka soo qeyb galay. Foto:Muna Ismaaciil/SR

Dhowaan ayey wassiirka waxbarashadda ee Ylva Johansson booqatay dhowr ururo oo ka tirsan xafada Rinkeby, halkey masraxa cagalka ummada ee Rinkeby hadal ka soo jeedisay si loo xallin laha shaqo l´aanta ka jirta soomaalida Iswiidhan degan.

Mid ka mid ah qorshaha ay halkan ku soo bandhigtay ayaa ah in nidaamka trainejobb oo lagu talo galay dhalinyarada shaqo l´aantu hayso, ahna waxbarasho iyo tabobar shaqo isku jirta, lugu daro ajaanibta waddanka ku cusub.

-Waxaan iminka aragna in ay shaqo l´aantu ku yaraatay dhalinyarada. Islamarkaas na aanu aragnay in ay ku sii adaktahay ajaanibta waddanka ku cusub in ay suuqa shaqadda soo galaan , nidaamkani waa mid aanfaca dadkan, ayey sheegtay. Wexey raacisay:

-Waa in dadka waxbarashada wadankooda ku soo qaadan shaqo iyo waxbarasho liskugu daro, si ay suuqa shaqada si deg deg ah ugu soo galaan.

Ylva Johansson ayaa islamarkaas dhaleecayn u gudbinaysa garabyada kala duwan ee suuqa shaqada oo, halkaas oo ay ka jirto midabtakoor , tan oo saameeyn xun ku yeelanaysa dadkan, islamarkaas na ay caqaabad ku noqonayso dadkan tusaalahan markey interfjuuga shaqada gelayaan , wa in ay caawimaad ka helaan xafiiska shaqada, ayey hadalkeeda ku soo gabagabeeysay.


 

 

 

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".