Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqobixiyaha oo shaqaalahooda ka baadha internetka

La daabacay torsdag 10 december 2015 kl 14.41
Raadku qofku ku reebo internetka
(2:16 min)
Lotta Andersson oo baadhitaankan u soo saartay Stockholms handelskammare. Foto: Muna Ismaaciil
Lotta Andersson oo baadhitaankan u soo saartay Stockholms handelskammare. Foto: Muna Ismaaciil

In shaashadaha internetka la baadho inta aana qof laga shaqaaleysiin ayaa ah arrin ku soo badanaysa suuqa shaqada, boqolkii ba 72 shirkadaha ayaa sidan sameeya.

Sidaas waxa sheegay baadhitaan ay stockholms handelskammare soo saartay. Islamarkaas ayaa  dhaleecayn xoog leh loo gudbinaya xafiiska shaqadda oo an dadkan ka shaqaaleysin, boqolkii ba 60 ayaan xafiiskan caawimaad u doonan, halkey shirkadaha shaqaalaha kireeya halkas ku guuleysteen, ayuu baadhitaanku u jeeda.

Dhanka kale weli waxa yar tiradii ajaanib ee shaqo haysta, ayey sheegtay Lotta Andersson oo baadhitaankan soo saartay. Andersson ayaa cadeeysay in badanka shirkadaha Iswiidhan ku xidho dadkan in ay afka si fiican ugu hadlaan hadii ay shaqo doonayaan. Wexey  iyadu ku tallinaysa in la qiimeyo  aqoonta kale ay dadkani waddamooda kala yimaadaan.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirkan oo saaka lugu qabtay stockholms handelskammare ayaa ah in ay shaqobixiyaashu inta aaney qof ka shaqaaleysiin, shaashadaha intrnetka ka baadhan macluumad ku saabsan qofka ay ka shaqaaleysiinayaan. Hadii warbixin xun halkaas laga helo boqolkii ba 30 shirkadaha waddanka ayaa ku tallinaya in aan  qofkan laga shaqaaleysiinayn. Warbixintan ayaa tusaalhan ahaan karta in u qofku facebooka ku taageeray ururo aaminsan fikrika cunsurnimada ah ,ayey sheegtay Lotta Andersson.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".