Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

13 qodob oo looga hortagayo u dhoofka argagaxisada

La daabacay torsdag 10 december 2015 kl 14.59
13ka qodob ee looga hortagayo argagaxisada
(2:19 min)
Johan Hedin (C), Beatrice Ask (M), Anders Ygeman (S), Annika Hirvonen Falk (MP), Roger Haddad (L) och Andreas Carlson (KD). Foto: Thommy Tengborg/TT
1 av 2
Johan Hedin (C), Beatrice Ask (M), Anders Ygeman (S), Annika Hirvonen Falk (MP), Roger Haddad (L) och Andreas Carlson (KD) presenterade den blocköverskridande överenskommelsen på torsdagen. Foto: Thommy Tengborg/TT
Inrikesministern Anders Ygeman, S, och Beatrice Ask, M. Foto: TT Montage: Sveriges Radio
2 av 2
Inrikesministern Anders Ygeman, S, och Beatrice Ask, M. Foto: TT Montage: Sveriges Radio

Garabyada siyaasadda Sweden ayaa isku afgartay tillaabooyin looga hortagayo argagaxisada.

Qodobada ay isku afgarteen xukumadda Sweden iyo xisbiyada intooda badan ayaa ka kooban 13 qodob. Qodobada ayaa waxaa ka mid ah in sharci daro laga dhigo u dhoofka argagaxisada iyo weliba in laga joojiyo dhaqaalaha ururada baahiya fartiimaha ay rabshadu ku dheehan tahay. Sidoo kale waxaa la adkeynayaa xeerarka lagu baxiyo baasaboorada si looga hortago si qaldan u isticmaalka baasaboorada Sweden.

Isafgaradka waxaa sidoo kale waxaa ka mid ah in ahmiyad dheeraad ah la siiyo howlaha ka hortaga iyo in la cadeeyo kaalinta ay degmooyinka ku leeyahiin howlaha ka hortaga xagjirnimada.

Dowladda ayaa 23 december barlamaanka soo hordhigi doonta hindise sharci daro looga dhigayo ku biirista iyo u dhoofidda kooxa argagaxsiada ah. Hindisahan dowladda soo bandhigi donta waxaa sidoo kale ku jira hindise kale oo la doonayo in cinqaabta lagu adkeeyo cidda lagu helo in ay taageero dhaqaale ku taageerta argagaxisada.

Lix ka mid ah xisbiyada barlamaanka Sweden ayaa isafgaradkan gaaray. Vänsterpartiet oo wado xaajoodka is-afgaradkan intuu socday qayb ka ahaa ayaa sacaadii ugu denbeysey iskaga baxay. Xisbiga ayaa ku tilmaamay qodobadan laysku afgartay ee looga hortagayo argagaxisada kuwo wax u dhimaya amniga sharciga.  

Dhanka kale xisbiga Sverigedemokraterna ayaan asaga lagu marti qaadin wado-xaajoodka ay xisbiyada kale ee baarlamaanka arrimahan kaga xaajoonayeen.   

 Si qaldan u isticmaalka basaboorka

Dowladda ayaa sidoo kale maanta meel marisay hindise la doonayo in looga hortago si qaldan u isticmaalka baasaboorka waddanka. Qorsha hindisahan ayaa ah in la yareeyo inta goor uu ruuxa dalban karo baasaboor, iyadoo lagu soo koobayo saddex goor keliya shantii sanno.  Sidoo kale waxaa la adkeynayaa xeerarka lagu baxiyo baasaboorka kumeelgaarka ah. Baasaboorada la siiyo caruurta ayaa sidoo kale  labo sanno keliya lagu koobaya waqtiga lagu safri karo.  

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".