Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dawladda oo lacag siinaysa soo saarista daawooyinka

La daabacay fredag 11 december 2015 kl 10.23
Tabletter hålls i en hand, uttryckta ur en tablettkarta Foto: Nora Lorek/TT
Foto: Nora Lorek/TT

Maanta ayey dawladdu soo bandhigtay maalgelin ku saabsan cilmi baadhista dawooyinka. Sideeda sannadood ee soo socda ayaa halkaas lacag gaadhaysa 900 milyan oo koroon la gelinaya si horumar looga gaadhdo soo saarista daawooyinka.

Dawladda ayaa si wadojir ah la shaqeeynaysa shirkada daawooyinka ee Astra Zeneca. Labadan ayaa xaruun logu talo galay in lugu sameeyo cilmi baadhis ku saabsan soo saarista daawooyinka, ka bilaabaysa magaalada Stockholm. Rajada laga qabo ayaa ah in u soo kordhiyo aqoon cusub si loo soo saaro daawooyin cusub mustaqbalka.

Wassiirka ganacsiga ee Mikael Damberg ayaa sheegay in ay Iswiidhan sanadyaha soo socda aqabado kala soo gudboonan, tusaalahan in ay cuduryo cusub bulshadda ku fidaan, islamarkaas ayey dhowr waddan tobankii sanno ee ugu dambeeyay Iswiidhan ku dhaafeen soo saarista dawada, ayuu jidhi. Dhanka kale ayey shaqooyin faro badan halkaas ka tageen. Dawladda ayaa iminka ku tallinaysa in ay lacagta cusub ee halkaas lugu maalgeliyay caawin doonto soo saarista daawooyinka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".