Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Heshiis cusub oo laga gaadhay shirkii cimilada aduunka

La daabacay måndag 14 december 2015 kl 10.17
Romson: Waa heeshiis aanu wakhtii dheer sugaynay"
(2:22 min)
Montage Åsa Romson till vänster Fossilbränsle till höger. Foto: Daniella Backlund/SvD/TT. Foto: Martin Meissner/TT
Sverige ska bli en fossibränslefri nation så snart som möjligt, säger Åsa Romson. Foto: Daniella Backlund/SvD/TT. Foto: Martin Meissner/TT

Wasiirka cimilada iyo degaanka Åsa Romson ayaa aad ugu faraxsan heshiishkii laga gaadhay shirweynihi cimilada ee aduunka shalay oo lugu qabtay magaalada Paris, fransiiska . Halkaas oo lugu heeshiyay in u aduunku kuleeyl ka badan 1,5 darajo ah dhaafi karin.

In kasta oo ay 175 ka mid ah wadamada aduunku intan ku hesgiyeen, weli waxaan la qorsheyn si intan oo dareejo ah lugu dhimi laha. Heshiiskan ayaa lagu talo galay in u ilko yeesho sanadyadda 2025,2050 , amba 2100.

-Farxadu aad ayey u weeyntahay, waa heshiiskii aan raadinaynay sanadyadi ugu dambeeyay.

Dhanka kale ayaan weli la go´aamin si loo dhimi laha amba loo joojin laha shidaalka qadiimiga ah ee loo yaqaano fossila bränslen.

Heshiiska cusub ayaa mujinaya in ay wadamada qaniga ah lacag gaadhaysa 100 billion oo doolar sannad walba siin doonan wadamada faqiirka ah si ay uga hor tagaan wasakhowga hawada.

Hasayeeshe heshiiska ugu weyn ee shirweynayhan laga gaadhay ayaa ah, siday Romson u sheegtay, in ay wadamada aduunku 5 sanno hal jeer cusbooneysiinayaan qorshahooda si ay uga hor tagi lahayeen wasakhowga hawada.

In qorshaha la cusbooneysiyo hal jeer shantii sanno ayaa ah wax cusub oo aan aduunka hore uga dhacin, madama u go´aankani hore u saarnaan jiray wadan kasta.

In kasta oo horumar weyn shirweynahan laga gaadhay, weli waxaan la hayn qorshe muujinaya si horumarkan loo gaadhi laha. Tusaalahan intii dareejo u waddan kasta dhimi laha sii loo gaadho goolkan.

-Dhowr waddan ayaa diiday amba ka soo hor jeeda in la go ´aamiyo tan, ayey sheegtay wasiirka cimilada iyo degaaanka Åsa Romson oo islamarkaas na dhalecayn xoog leh u gudbisay swadamada aduunka iyo si ay u xalliyeen wasakhowga hawada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".