Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Warqad hanjabaad ah oo loo maleeynayo in ay ka timid Daacesh

La daabacay måndag 14 december 2015 kl 13.36
Jernberg- Carlson " Ma hubno inta qof ee loo soo diray"
(1:19 min)
Anonym polis söker i datasystemet RAR (Rationell Anmälnings Rutin). Där an- tecknas kort vad anmälan avser med bl.a. brottsrubricering och brottskod. Foto: Henrik Martinell
Anonym polis söker i datasystemet RAR (Rationell Anmälnings Rutin). Där an- tecknas kort vad anmälan avser med bl.a. brottsrubricering och brottskod. Foto: Henrik Martinell

Dhowr qof oo degan xaafada Märsta, waqooyiga Stockholm ayaa jimcihii ina soo dhaafay loo soo diray warqad loo maleenayo in ay ka timid kooxda argagaxisadda ah ee Daacesh.

Warqadan ayaa dadka ku dhirigalinaysa in ay diinta islaamka ah la galaan, hadii ay dhaci waydo na dadka xaafadan qoorta laga jaro.

Anna Jernberg Carlson oo qeeybta saxaafada u qaabilsan degmadda Sigtuna ayaa sheegtay in u booliska halkaas bilaabeen baadhitaan ku saabsan hanjabaad sharci darro ah.

-Waxaanu ogaanay in dadka qaar loo soo diray warqadan jimcihii, hasayeeshe kama war hayno inta qof ee loo soo diray , ayey sheegtay Jernberg- Carlsson.

Degmadda sigtuna ayaa iminka dadka halkaas degan kula tallinaysa in ay booliska wacan hadii warqadan loo soo diray. Islamarkaas na dooneyn in ay Radio Iswiidhan macluumaad inta ka badaan siiyaan, madamu yahay arrin qarsoodi ah.

In kasta oo ay ku qorantahay in ay warqadahani ka yimaadeen Daacesh maaha wax iminka la xaqiijin karo amba la hubo.

 

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".