Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ribada deeymaha guryaha oo halkeeda loo daayey - 0,35 boqolkiiba

La daabacay tisdag 15 december 2015 kl 10.12
Shirkadaha yar yar oo aan ka macaashin ribada hooseeysa
(2:26 min)
Stefan Ingves, madaxa bangiga qaranka. Sawirle: Vilhelm Stokstad /TT.
Stefan Ingves, madaxa bangiga qaranka. Sawirle: Vilhelm Stokstad /TT.

Hoggaanka bangiga qaranka ayaa saaka ku dhawaaqay inaan wax is-bedel ah lagu sameeyn heerka ribada laga bixiyo deeymaha guryaha lagu qaato eyna taagan tahay minus 0,35 boqolkiiba.

Halka sidoo kale dhabbada ribadana aan wax is-bedel ah lagu sameeyn. (*Räntebanan waa saadaalinta bangiga qaranka iyo sida loo saadaalineyo halka ey ribadu ku socoto.)

Rabitaanka bangiga qaranka ayaa ah in nidaamka ribada hooseeysa iyo lacagta cusub ee dhowaantan la hir-geliyey kor u qaadi doonaan kor u kaca kobaca dhaqaale ee dalka iyo sidoo kale in sicir-bararkuna kor u kaco, hase yeeshee aannu Daniel Wiberg, ahna madaxa laanta dhaqaalaha ee ururka shirkadleydu uu ka shaki-qabo in siyaasadda dhaqaale ee bangiga qaranku u daneeynayso shirkadaha yaryar.

Midda aannu baaritaannadayada ku aragney waxey tahay in dhaqaale badan aaney ka soo gaarin shirkadaha yarar, hase yeeshee ku hakadaan nidaamka dhaqaale ee waaweyn. Dhaqaale badani wuxuu galaa suuqa maal-gelinta shirkadaha iyo shirkadaha waaweyn, waana goobaha ey shirkadaha waaweyn, bangiyada iyo miisaaniyadaha gaarka ahiba ey maal-geliyaan. Caadiyanna ma maal-geliyaan shirkadaha yar yar.

Hoggaammada shirkadaha yar yar ayaa in muddo ahba ku doodayey iney aad ugu adkaatey sidi ey deymo uga heli lahaayeen bangiyada iyo in ribaduna ka sarreeyso midda laga bixiyo deeymaha lagu qaato guryaha. Hase yeeshe sida uu baaritaan ku sheegay ururka shirkadleydu ey shirkado yaryari deeymo ku qaataan guryaha fillooyinka, sidaa daraadeedn ku bixiyaan riba hooseeysa iyagoona ku maal-geliya shirkadaha?

Xaqiiqdii, waa mid jirta in ribadu markaa ka yaraato, hase yeeshee ay tahay maal-gelin halis ah ee shirkadda lagu maal-geliyo iyo in la isku khaldo dhaqaalaha shakhsiga iyo midda shirkadda.

Isha/ SR Ekot

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".