Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ammanka iskuulada waddanka oo liita

La daabacay tisdag 15 december 2015 kl 13.00
Caasha: "Albaabada ha la ilaaliyo"
(2:24 min)
Fasaden på Nättrabyskolan. Foto: Stina Linde/Sveriges Radio.
Nättrabyskolan var en av de skolor där P4:s reporter kunde vandra omkring i en hel timme.

Baadhitaan ay l´aamaha kala duwan ee Sveriges Radio ka sameeyeen 76 ka mid ah iskuulada waddanka ugu weyn ayaa sheegay in ay boqolkiii ba 20 iskuuladani ku liitaan dhinaca amaanka.

Iskuuladan oo ay albaabadu u furnayeen ayey weeriyaasha ka socday Sveriges Radio galeen kuna jireen wakhtii gaadhaya 45 daqiiqado. Islamarkaas na ay jirin cid joojisay amba weeydisay halkey ka yimaadeen.

Kullaviksskolan oo ku yaala magaalada Kungsbacka ayaa ka mid ah iskuuladan. Maamulaha iskuulkan Christer Daggberg ayaa yaabay markuu weriyaha Sveriges Radio ka maqlay in ay iskuulkan ku jirtay wakhtigan dheer iyada oo an la joojin.

Weeriyaasha Sveriges Radio ayaa booqday 76 iskuulo. Iskuuladan oo ay dhigtan tiro u dhaxeeysa 300 ilaa 1100 caruur, halkey baadheen in ay albaabada iskuuladan furanyihiin iyo in ay soo dhaafi karaan iyaga oo an la joojin amba la weydin halkey ka yimaadeen.

16 ka mid ah 76 iskuulo ee baadhitaankan ku jira ayey albaabadu u xidhanyeen.

45 iskuulo ayaa weriyaasha la weydiiyay halkey ka yimaadeen markey 3 daqiiqadood ku sugnayeen iskuuladan.

Inkasta oo ay wakhti ka yari laba bilood ka soo wareegtay weerarkii argagaxiso ee iskuulka Kronan ee magaalada Trollhättan, halkey afar qofi ku dhinteen, baadhitaankan ayaa caddeynaya in u amaanka iskuulada Iswiidhan weli yahay mid liita.

Maqal Caasha oo ku sugan magaalada Trollhättan, isla magaaladii u weerarkii argagaxiso ka dhacay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".